Bilayska Kenya oo su'aalo waydiinaya 9 tuhmane arimo la xiriira geerida ergey Venezuela u dhashay

Luulyo 30, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Bilayska Kenya ayaa su'aalo waydiinaya sagaal tuhmane kadib markii sii hayaha safiirka Venezuela ee Kenya Olga Fonseca Giminez laga helay meydkeeda iyadoo ceejo lagu dilay gurigeeda oo ku yaalo Nairobi, Capital Fm-ta Kenya ayaa sidaa warisay Axaddi (29-kii Juuly).

Giminez, oo 57 jir ah, ayaa dalka timid bilowgii bishan si ay ula wareegto booska safiirnimada.

Bilayska ayaa sagaal tuhmane xabsiga ku haya, oo ay ku jiraan darawalkii Gimine iyo xog-hayaha koowaad ee safaaradda, oo laga qaaday xasaanaddii diblumaasinimo.

Taliyaha Bilayska Nairobi Anthony Kibuchi ayaa sheegay in uu rajaynayo maxkamadeynta qaar kamida tuhmanayaasha maalinta Talaadada ah, iyadoo ay ku xirantahay waxa kasoo baxa baaritaanada. "Waxaannu horu-mar wanaaggsan ka samaynaynaa dhacdadan dilka ah" Kibuchi ayaa yiri.

Wasiirka Arimaha Dibadda Venezuela ayaa Caracas ka sheegay in uu ku "kalsoonyahay" madaxda Kenya "in ay soo caddeeyaan ayna mas'uuliyad iska saaraan dhimashada", waxa uuna sheegay in ay bixinayaan taageero walba oo loo baahanyahay, AFP ayaa sidaa warisay.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 3)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada