Shirkii Golaha Degaanada Qaranka oo sii socda iyadoo hoobiyayaal lagu weeraray

Luulyo 29, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Shirkii Golaha Degaannada Qaranka ayaa dib u biloowday Sabtidii (28-kii July) kadib markii uu hakad galay Jimcihii, sidaana waxa wariyay Garowe Online.

"Dhamaystirka codbixinta dastuurka ayaa ah caqabadda nagu taagan ee aan isku dayayno in aan ka gudubno, waana tallaabo muhiim ah oo aan dib u dhici karin," ayuu Sabtidii yiri Wasiirka Dastuurka iyo Dib-u-heshiisiinta Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil. Waxa uu sheegay in kulankii Jimcihii dib loogu dhigay hal maalin sababo farsamo aawadood.

Dhismihii hore ee dugsiga bilayaksa ee lagu qabanayo shirka Golaha Degaannada Qaranka ayaa la xiray Jimcihii, kadib markii dhowr hoobiye ay ku qarxeen mele u dhow. Cidina kuma ayan dhaawacmin qaraxyadaa.

Goalha Degaannada Qaranka oo loo xilsaaray ansixinta dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya, ayaa Arbacadii ka furmay Muqdisho kadib dib-u-dhacyo dhowr ah.. Waxa kor loo qaaday ammaanka caasimadda si looga hortago weerarro ka yimaada al-Shabaab, oo iyadu ku hanjabtay in ay bar-tilmaameedsan doonto xubanaha Golaha Degaannada Qaranka.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 2)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada