Ra'iisul-wasaaraha Soomaaliya oo afur u sameeyay wakiillo ka socda warbaahinta

Luulyo 25, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Ra'iisul-wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali ayaa Talaadadii (24-kii July) marti-qaad afur ah u sameeyay wakiillo ka kala socda war baahinta Muqdisho, sidaana waxa sheegay Radio Bar-Kulan-ka ay Qaramada Midoobay maal-galiso.

Maamulayaasha dhowr raadiyo iyo telefishin, iyo sidoo kale saraakiil sare oo ka tirsan dawladda, ayaa ka soo qayb-galay afurka.

Cali ayaa uga faa'idaystay munaasabadda in uu ka tacsiyeeyo saxafiyiintii Soomaaliyeed ee lagu dilay ama ku dhaawcamay tan iyo biloowgii sannadkan, isla markaana uu uga mahadceliyo saxaafadda sida ay ugu ololeeyaan isa saamaxaadda iyo nabadda iyada oo saxafiyiinta Soomaalyeed ay waajahayaan duruufahaas adag.

Tan iyo biloowgii sannadkan, waxa si isa soo taraysa kor ugu soo kacayay weerrarada lagu hayo saxafiyiinta Soomaaliyeed. Haya'dda ilaalisa xuriyadda saxaafadda ee Saxafiyiinta Bilaa Xuduudka ah ayaa ku tilmaamay Soomaaliya dalka ugu badan Afrika ee ay ku dhintaan saxafiyiintu.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma haboontahay in la badalo dastuurka Kenya si aqalka Guurtida awood dheeraad ah loo siiyo?

Fiirso natiijada