Luulyo 22, 2012
Khatartii burcad-badeednimo ee ka jirtay biyaha Soomaaliya ayaa soo yaraanaysa sidaana waxa Sabtidii (21-kii July) sheegay taliyaha la-dagaallanka burcad-badeednimada ee NATO Ben Bekkering.
"Waxannu guulo dheeraad ah ka gaaraynaa sidii loo yarayn lahaa khataraha burcad-badeednimo ee ka jira Soomaaliya taasoo ka dhalatay ilaaladeena joogtada ah, laakiin beesha caalamku waa in ay sii waddaa afkaar-is-dhaafsiga oo ayna kordhisaa dadaallada ku aaddan sidii gabi ahaanba xididdada loogu siibi lahaa dhibaatada," sidaana waxa sheegay Bekkering, sida lagu qoray Times of Oman.
Xafiiska Badaha Caalamiga ah ayaa diiwaan-galiyay 69 weerar oo burcad-badeednimo oo ay ku lug leeyihiin Soomaali intii u dhexeeysa bilihii January iyo July ee sannadkan, taasoo ka dhigan hoos-u-dhac gaaraya 32 boqolkiiba marka la barbar dhigo isla xilligaa sannadkii 2011-kii, iyada oo ay ciidamada caalamiga ah ee baddu ay kordhiyeen dadaalladoodii.
Bekkering waxa uu sheegay in burcad-badeednimada ka jirta Soomaaliya ay wali ganacsiga caalamiga ah ku kallifto khasaare gaaraya balaayiin doollar sannadkiiba. "Waa muhiim in aan dhammaan ka wada-shaqayno sidii aan ku joojin lahayn," ayuu yiri.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
Shan qof ayaa la dilay afar kalena way ku dhaawacantay laba weerar oo ka dhacay gobolka waqooyi-b...
Sababta ugu wayn ee colaadihii ay ku dhinteen in kabadan 150 qof ee sannadkii hore ka dhacay Tana...
Ururka Caafimaadka Adduuna (WHO) ayaa shaaciyay in cudurka dabaysha uu ka dillaacay Geeska Afrika...
Ciidamada Soomaaliya ayaa xiray xiray shirkadihii isgaarsiinta iyo ganacsiyo kale oo ku yaal Bele...
Xukuumadda Soomaaliya ayaa bilaabi doonta in ay maamuullo goboleedyo ka dhisto goobaha dhawaan la...
Wasiirka Tamarta Jabuuti Cali Yacquub Maxamuud iyo danjiraha Japan u fadhiya Jabuuti Atsushi Nish...
Furitaanka Shirka Bixiyayaasha Saliidda iyo Gaaska Tansaaniya ayaa lagu qaban doonaa Daarusalaam ...
Xildhibaanada waxay dib uga noqdeen mooshinkii ka dhanka ahaa Ra'iisul-wasaare Cabdi Faarax Shird...
Madaxweynaha maamul-goboleedka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Talaadadii (21-kii Maajo) ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo