Luulyo 22, 2012
Tansaaniya ayaa Sabtidii (21-kii July) waxa ay Midwoga Yurub la saxiixatay heshiis deeq ah oo wax looga qabanayo kaabayaasha iyo horumarinta, sidaana waxa sheegay Daily News-ka Tansaaniya.
Deeqdan, oo qaddarkeedu dhanyahay 250 bilyan oo shilin, oo u dhiganta 154 milyan oo doollar, ayaa wax looga qaban doonaa lix barnaamij oo kala duwan, kuwaa oo ay ka mid yihiin dayactir shabakadaha waddooyin, gaarsiinta biyaha iyo fayadhowrka meelaha miyiga ah, horumarinta waddooyinka miyiga, xoojinta bulshada rayidka ah ee Zanzibar, maal-galinta maamulka santuukha Midwga Yurub ee Tansaaniya iyo horumarinta farsamada isku-duwidda waaxda horumarinta ee Tansaaniya.
Wasiirka Maaliyadda Willimam Mgimwa iyo Madaxa Horumarinta ee Midowga Yurub Andris Piebalgas ayaa heshiiska ku saxiixay Dar es Salaam, iyada oo ay goob-joog ka ahaayeen Madaxweynaha Tansaaniya Jakaya Kikwete iyo Madaxweynaha Midowga Yurub Jose Manuel Barroso, oo booqasho saddex maalmood qaataday ku joogay Tansaaniya si uu u soo indha-indheeyo mashaariicda horumarineed ee uu maal-galiyo Midowga Yurub.
Barroso ayaa ammaanay sida Tansaaniya ay yga go'antahay horumarinta iyo kaalinteeda hoggaamineed ee gobolka. "Tansaaniya waxa ay door isa soo taraya oo muhiim ah ka cayaaraysaa koboc dhaqaale oo xasilloon, taabanaya dhinacyada oo dhan isla markaana joogto ah oo ka jira guud ahaan gobolka," ayuu yiri.
Kikwete ayaa sheegay in dhibaatooyinka ka jira dhinaca sahayda ay yihiin caqabadda ugu wayn ee Tansaaniya ka haysata yaraynta saboolnimada, gaar ahaan baadiyaha.
Xildhibaanada waxay dib uga noqdeen mooshinkii ka dhanka ahaa Ra'iisul-wasaare Cabdi Faarax Shird...
Madaxweynaha maamul-goboleedka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Talaadadii (21-kii Maajo) ...
Iska-daba-wareegga badan ee xafiiseed iyo kati xumida ka jirta dekedda Daarusalaam ayaa ugu kacda...
Madaxda Maamul-goboleedka Puntland ayaa Talaadadii (21-kii Maajo) u kulmay si ay u dhiirrio galiy...
Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa xiray in ka ba...
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa iskaashiga istaraatiijiyadeed kala sheekaystay G...
Madaxwynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ciidamada ammaanka iyo garsoorkuba waa in ay si rasmi ah uga qo...
Ra'iisul-wasaaraha Jabuuti Cabdulqaadir Kaamil Maxamed ayaa ku baaqay in kor loo qaado iskaashiga...
Xildhibaano Soomaali ah ayaa ka noqday mooshin ay ku codsadeen in ra'iisul-wasaaraha iyo xukuumad...
Xildhibaanada mucaaradka ah ee barlamaanka ayaa xukuumadda ku eedeeyay in ay cabburisay xoriyadda...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Waa wax wacan, sababtoo ah hadii kaabayaasha dalkeena Tanzania la horumariyo, waxaa yaraan doonta dhibta inaga haysata saboolnimada, waxaana badan doona fursadaha shaqo ee ka dhalan kara koboca dhaqaale ee dalku uu gaadhay. Tanina waxay horseedi kartaa horumar, waayo wali waxa ina hortaala dhibta inaga haysata kaabayaasha liita ee dalka Tanzania, kuwaasoo sabab u ah saboolnimada iyo shaqa la'aanta iyo jahliga. Dhamaanteen waynu isku xidhanahay waananu isku tiirsanahay, wixii horumar ah ee uu dal dalalka ka mid ahi gaadho, hadii ay tahay xag dhaqaale iyo xag siyaasadeed iyo xag bulsheed intaba, wuxuu ka dhashaa horumarkaasi taageerada laga helo dalal iyaga laftoodu gaadhay horumar. Markaa madaxwaynaha waan u mahadcelinaynaa maadaama uu arrinkan fiiro gaar ah u yeeshay.