Luulyo 22, 2012
Radio Muqdisho ayaa bilaabay tartankiisa sannadlaha ah ee aqoonta guud, taasoo la qabto fiid walba inta lagu jiro bisha Ramadaan kadib xilliga afurka, sidaana waxa Sabtidii (21-kii July) sheegay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed.
Tartanka oo ay ku loolamayaan kooxo ka kala socda 32 dagmo oo ku yaal daafaha Soomaaliya ayaa waxa uu ka kooban yahay aqoon guud. Intii lagu guda jiray munaasabaddii furitaanka tartanka oo dhacday Jimcihii, ayuu soo jeediyaha Radio Muqdisho waxa uu kooxaha tartamaya ku dhiiri-galiyay in ay muujiyaan dulqaad.
Shirkadda Isgaarsiinta Hormud, oo ah shirkad isgaarsiineed oo ay leedahay Soomaali, xarunteeduna tahay Muqdisho, ayaa maal-galinaysa tartanka, iyo sidoo kale tartan goboleed oo ka socda Radio Shabeelle. Tartanka ka socda Radio Shabeelle ayay kooxdii ku guulaysta waxa ay heli doontaa abaal-marinno gaaraya $3,000 oo doollar.
Ula-jeeddada tartanka ayaa ah in la dhaq-dhaqaajiyo horumarka iyo korriinka diimeed iyo kan aqooneed ee dhallnyarada iyada oo abaal-marinno lagu siinayo waxbarashada, sida ay sheegtay Shabakadda Warbaahinta Shabeelle.
Bilayska ayaa degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee Muqdisho ku xirxiray boqollaal loo tuhmay in ay...
Shir soconaya saddex maalmood ayaa ka furmay Muqdisho Talaadadii (18-kii June), kaas oo isku keen...
Ciidamada dawladda Soomaaliya oo ay bari-taarayaan kuwa Howlgaka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AM...
Xogyaha Arrimaha Gudaha iyo Xiriirinta Xukuumadaha Qaranka Joseph Ole Lenku ayaa Isniintii (17-ki...
Dab qabsaday suuqa weyn ee Gaarisa ayaa burburiyay in ka badan 100 buqcadood habeeynimadii Isniin...
Xoghayaha Dawladda ee Midnimada Qaranka Jabuuti Zahra Yuusuf Kayad ayaa Isniintii (17-kii June) w...
Guddiga barlamaanka ee miisaaniyadda ayaa diiday qorshe xafiis cusub loogu iibinayo madaxweynihii...
Gubato ka kacday magaalada Balbala ee Jabuuti Axaddii (16-kii June), ayaa burburisay 11 guri iyad...
Sawirradii ay al-Shabaab ku soo bandhigtay barteeda Twitter-ka Axaddii (16-kii June) oo ay ka muu...
Bilayska Kenya ayaa Mombasa ku dilay Kassim Omolo Otieno oo looga shakiyay argaggixisannimo intii...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo