Midowga Afrika oo Soomaalida ku dhiiri-galiyay in ay diiradda saaraan marxaladda kala-guurka inta lagu jiro bisha Ramadaan

Luulyo 22, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Midowga Afrika ayaa uga hambalyeeyay Soomaaliya munaasabadda bisha Ramadaan, war-murtiyeed ay soo saareen Jimcihii (20-kii July), iyaga oo ku dhiiri-galiyay dadka Soomaaliyeed in ay sii wadaan horumarka ay ka sameeynayaan marxaladda ay uga gudbayaan ku-meel-gaarnimada uguna gudbayaan dawlad rasmi ah.

"Sannadkan, Ramadaanku waxa uu ku soo hagaagay marxalad muhiim u ah taariikhda Soomaaliyeed iyada oo uu dalku ka doodayo dastuurka ku-meel-gaarka ah oo soo af-jari doona 12 sano oo ay dawladda Soomaalya ahayd ku-meel-gaar iyada oo markaana qaadanaysa hannaan siyaasadeed oo cusub oo si sidii hore ka badan u matalaya dhinacyada Soomaaliya," ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyhaa Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Boubacar Kiarra.

Hoggaamiyayayaasha qabaa'ilka ayaa ku kulansan Muqdisho iyaga oo ka qayb-galaya shirka xulidda Golaha Degaannada Qaranka si ay u doortaan wakiillada ansixin doona dastuurka cusub.

Diarra waxa uu sheegay in AMISOM ay dadaalkeeda ugu badan ka gaysan doonto sidii loo sii wadi lahaa qaybinta cunnada gargaarka ah ee dalka inta lagu jiro bisha soonka. "AMISOM waxa ay samaynaysaa wixii karaankeed ah si ay u hubiso in gargaarka si nabad ah loogu qaybiyo dadka u baahan waxanan ka codsanaynaa hay'adaha gargaarka in ay ka faa'idaystaan guulaha aan gaarnay," ayuu yiri.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Sidee baa loo dhisi karaa dawlad-goboleedyada federaalka Soomaaliya iyadoo maanka lagu hayo khilaafka ka taagan Jubbaland?

Fiirso natiijada