Ciyaartooyda Soomaaliya uga qayb-galaysa Olombikada oo gaaray London

Luulyo 22, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Samsam Maxamuud Faarax iyo Maxamed Xasan Maxamed, oo ah ciyaartooyda Soomaaliya uga qayb-galaysa Olaybikada, ayay taageerayaal ku soo dhaweeyeen London Jimcihii (20-kii July), sidaana waxa sheegay RBC-da Soomaaliya.

Xubno ka socda bulshada Soomaaliyeed ee ku nool London ayaa ciyaartooyda ku soo dhaweeyay tuullada Olambikada iyaga oo ruxaya calanka Soomaaliya kuna luuqaynaya heesta qaranka.

"Maanta aad ayaan u faraxsanahay, sababtoo ah waligay kuma fakarin in aan la kulmi doono ciyaartooy matalaya dalkayga hooyo, laakiin arrintaasi maanta ayay rumowday," ayay tiri Xafsa Faarax oo ah gabar ingiriis ah oo asal ahaan ka soo jeedda Soomaaliya intii lagu jiray xafladda soo dhawaynta.

Samsam waxa ay sheegtay in ciyaarahu gacan ka gaysan karaan in laga gudbo dhibaatada siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya. "Isboortigu dadka ayuu midayn karaa," ayay tiri, sida lagu sheegay Somalia Report. "Waxa uu kaalin wayn ka qaadan karaa in uu isku keeno qabaa'illada dirirtu ka dhaxeeyso."

Samsam waxa ay ordi doontaa tartanka 400 oo mitir, halka Maxamed-na uu ka ordi doono tartaka 1,500 oo mitir.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 3)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada