Luulyo 22, 2012
Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay in ay qabteen markab sida walxaha qarxa oo ka yimid Yemen una socday Soomaaliya Jimcihii (20-kii July), sidaana waxa sheegay Yemen Post.
Al-Qaaciddada Yemen ayaa al-Shabaab u soo rartay madaafiic, walxaha qarxa, hoobiyayaal iyo rasaas, ayuu sheegay Wasiirka Dekadaha iyo La-dagaallanka Burcad-badeednimada Siciid Maxamed Raage. Waxa uu sheegay in la xiray nin dhalashadiisu tahay Yameni markii markabka la qabtay.
Al-Shabaab ayaa shaacisay in ay ku biirtay al-Qaacidda sannadkii hore, iyada oo Puntland-na ay welwel ka muujisay in howl-gallada ay al-Qaacida ka waddo Yemen ay ku soo fidaan dhulkeeda; iyada oo horay loola socday in dagaalyahannadu isaga gooshaan inta u dhexeeysa Soomaaliya iyo Yemen. Bishii March, Wasiirka Arrimaha Gudaha Yemen ayaa al-Shabaab ku eedeeyay in ay Yemen u soo direen 300 oo dagaalyahan, si ay uga barbar dagaallamaan al-Qaacidada dagaalka kula jiray millatariga iyo ciidamada ammaanka Yemen.
Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka maamul-goboleedka Somaliand ayaa Talaadadii (18-ki...
Bilayska Tansaaniya ayaa Talaadadii (18-kii June) Arusha ku xiray afar xildhibaan oo ka tirsan xi...
Rag hubeeysan ayaa Gobolka Wajeer ku dilay askari ka tirsan kaydka bilayska habeeynimadii Talaada...
Japan ayaa oggoolaatay in ay siiso Tansaaniya $49 milyan o doolar (80.4 bilyan oo shilin) oo isug...
Kormeeraha Guud ee Bilayska Kenya David Kimaiyo ayaa si kalinimo ah u magacaabay soona gudbiyay 1...
Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa Talaadadii (18-kii June) waxa ay Madaxweyne Ku-xi...
Bilayska ayaa degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee Muqdisho ku xirxiray boqollaal loo tuhmay in ay...
Shir soconaya saddex maalmood ayaa ka furmay Muqdisho Talaadadii (18-kii June), kaas oo isku keen...
Ciidamada dawladda Soomaaliya oo ay bari-taarayaan kuwa Howlgaka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AM...
Xogyaha Arrimaha Gudaha iyo Xiriirinta Xukuumadaha Qaranka Joseph Ole Lenku ayaa Isniintii (17-ki...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Yaman waxay taageertaa kooxda alshabaab maleeshiyadooda Soomaaliya ka hawl gasha, waxaanay usoo ciidamaysaa dhalinyarada bilaa shaqada ah ee dalalka shisheeye ku dhaqan, iyadoo dadkan lagu khiyaameeyo in lagu wado Sucuudiga, Iiraan, Ciraaq iyo Afgaanistaan, loona sheego in la siin doono shaqooyin lacag badan leh, laakiin waxay dhalinyaradani is arkaan iyagoo Soomaaliya jooga oo alshabaab iyo ciidamada eritariya ka ag dagaalamaya, lana dagaalamaya ciidamada AMISOM