Bilayska Kenya oo qabtay 3 al-Shabaab looga shakiyay

Luulyo 19, 2012

  • 1 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Bilayska Kenya ayaa Talaadadii (17-kii July) u xiray sedex qof oo al-Shabaab looga shakiyay, weeraarki lagu qaaday saraakiil bilaayka ka tirsan oo Isiniinti lagu weeraray Liboi, Daily Nationa-ka Kenya ayaa sidaa wariyay.

Bilayska ayaa sheegay in Cabdulaahi Salaad Cali, oo 23-jir ah, Isaaq Xuseen Burle, oo 23 -ir ah iyo Xasan Maxamed Cali, oo 28-jir ah ay qeyb ka ahaayeen koox todobo qof ka kooban oo saraakiisha bilayska ku weeraray meel banaanka ka ah xerada qaxootiga Dhagaaxlay.

Weerarka ayaa lagu dilay hal sakaal, iyadoo mid kalena lagu dhaawacay, oo isbitaal la geeyay isagoo xaaladdiisu ay halis tahay. Weerarka kadib sideed sarkaal ayaa la geeyay aagga, waxa ayna soo qabteen sedexda tuhmane.

Bilayska ayaa qabtay qori, 50 xabbo oo rasaas ah, sedex baynaad iyo gaari Toyota ah, kadib markii ay qabteen tuhmanayaasha.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 1)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • sulayman
    July 22, 2012 @ 12:57:14PM

    waad mahsantihiin

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada