Luulyo 17, 2012
Kenya ayaa la saxiixatay Kuwait heshiis lagu siinayo dayn qaddarkeedu yahay 1.4 bilyan oo shilin oo u dhiganta 16.4 milyan oo dollar, si loogu dhiso dugsiyo iyo kaabayaal waxbarasho oo laga hirgalinayo Nyamira iyo Borabu, sidaana waxa Isniintii (16-kii Juuaaly) sheegay Capital FM-ta Kenya.
Amirka Kuwait Sheekh Sabah Al-Axmed al-Jabir al-Sabah iyo Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki ayaa ku kulmay furitaanka shir-madaxeedka Midowga Afrika ee Addis Ababa, si ay u saxiixaan heshiiska. Lacagta ayaa waxa la soo marsiin doonaa Santuukha Kuwait ee Horumarinta Dhaqaalaha Carabta (KFAED).
Mashaariicda kale ee uu maal-galinayo KFAED ayaa waxaa ka mida daraasad lagu sameeynayo Mashruuca Waraabka Bura, dhismaha Isbtiaalka cusub ee Degmada Wajeer iyo dayn loogu tala-galay in lagu dhiso waddada Nuno-Modagshe, sidaana waxa sheegay Capital FM-ta Kenya.
Kulanka, ayuu Kbaki waxa uu dhiiri-galiyay in la sameeyo maal-gashi dheeraad ah. "Waxan ku casumayaa maal-gashadayaasha reer Kuwait in ay indha-indheeyaan oo ay ka faa'idaystaan fursadaha maal-gashi ee ka jira dalkeena," ayuu yiri.
Sheekh al-Sabah ayaa ammaanay dadaalka millatari ee Kenya ka waddo Soomaaliya. "Howl-galka ay Ciidamada Difaaca Kenya ka wadaan Soomaaliya ee ay la kaashanayaan ciidamada Dawladda Federaalka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya, waxa uu dhaliyay awooddii asaasiga ahayd ee sababatay in la xoreeyo meelo badan oo ka mida dalkan uu dilooday dagaalku," ayuu yiri.
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ballaariyo Howlg...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) waxa uu waraaqaha aq...
Ugu yaraan afar qof ayaa dhintay saddexna waa ay dhaawacantay Khamiistii (16-kii Maajo) markii xa...
Kenya iyo Tansaaniya ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) si wadajir ah soohdintooda uga fuliyay howlga...
Cartan Sheekhdoon oo ahaa xubin ka tirsan kooxda xukuumadda la jaalka ah ee Ahlu Sunna wal Jamaac...
Maleeyshiysaad looga shakisan yahay in ay ka yimaadeen Itoobiya ayaa Khamiitii (16-kii Maajo) wax...
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) waxa uu Wasiirkii ...
Tansaaniya iyo Canada ayaa wada saxiixday heshiis iskaashi oo loo asteeyay in kor loogu qaado isl...
Ciidamada Qaranka Soomaaliya ayaa dilay 13 dagaalyahaniinta al-Shabaab ah Talaadadii (14-kii Maaj...
Xilligii kama dambaysta ahaa ee loo qabtay dadka reer Mandheera in ay ku soo wareejiyaan hubka sh...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo