Maxkamad ku taal Kenya oo damaanad ku sii daysay 2 u dhashay Iiran oo loo haysto eedo arggaggixisannimo

Luulyo 17, 2012

  • 2 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Maxkamad ku taal Kenya ayaa damiin ku sii daysay laba qof oo u dhashay Iran laguna tuhunsanyahay arggaggixisannino, kuwaas oo lagu soo eedeeyay in ay ku tala-jireen in ay fuliyaan dambiyo gaysta khasaare aad u ba'an , sidaana waxa Isniintii (16-kii Juulaay) sheegay Capital FM-ta Kenya.

Labada tuhmane, Axmed Maxamuud iyo Sayid Mausud, ayaa lagu eedeeyay in ay haysteen 15 kiilo oo ah budada laga sameeya qaraxyada aadka u waawayn ee RDX. Waxa lagu amray in ay maxkamadda ku soo wareejiyaan baasabooradooda, isla markaana waxa la faray in ay labadii todobaadba mar iska doo xaadiriyaan Unugta Bilayska ee La-dagaallanka Arggaggixisannimada.

"Waxa ii soo baxay in labada qof ayan ahayn dad galay dambiyo ay naftooda ku waayi karaan, walibina xitaa haddii ay ahaan lahaayeen kuwo galay dambiyo ay dil ku mutaysan karaan, dastuurka ayaa u ogol in lagu sii daayo damiin," ayuu yiri Garsoore Koowaad Paul biwott. Damiinta lagu sii daayay ayaa ah 2 milyan oo shilin, oo u dhiganta 23,000 oo doolar qofkiiba.

Bilayska Kenya ayaa horay u codsaday in loo diido damaanadda, iyaga oo taa sabab uga dhigay in labada tuhmane ay khatar ku yihiin ammaanka.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • benson
    September 9, 2012 @ 06:57:15AM

    Kenya waa meel uu musumaasuqu hadheeyay, waayo qofkii lacag haysta waxaa u banaan inuu siduu doono u dhaqmo

  • حكيم المصري
    July 17, 2012 @ 06:48:20PM

    Arrinkani wuxuu si cad u muujinayaa musuqmaasuqa baahay ee ka jira garsoorka Kenya. Haddii aad lacag haysato, waxaad awoodaa inaad kiraysato qolka madaxwayne Kibaki, oo aad isagana laad kaga soo saarto qolka. Intaa waxa dheer, waxaad dhawaan maqli doontaan in labadan nin ay dalka ka baxeen iyagoo baasbooro foojari ah adeegsanaya, kiikana halkaasaa lagu xidhi doonaa. Hoog ayaa idiin sugnaaday, kuwiina doolarka iyo diinaarka caabudoow.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma haboontahay in la badalo dastuurka Kenya si aqalka Guurtida awood dheeraad ah loo siiyo?

Fiirso natiijada