Luulyo 17, 2012
Waxa hoos u dhacay weeraraddii burcad-badedda niskii hore sannadka 2012-ka, iyada oo ay ciidamada badda ee caalamiga ah ee ilaalada ka haya badaha kulaala Soomaaliya ay kor u qaadeen dadaalkooda ay ku joojinayaan weerarrada ay burcad-badeeddu ku qaadaan maraakiibta, Xafiiska Caalamiga ah ee Badaha iyo Howlaha Maraakiibta (IMB) ayaa Isniintii (16-kii Juulaay) sidaa shaaciyay.
Agaasimaha Waaxda La-dagaallanka Burcad-badeednimada ee Puntland Cabdirisaaq Maxamed Dirir ayaa sheegay In Ciidamada Bilayska ee ilaalada ka hayaa Badda Puntland ay kaalin wayn oo muhiim ah ka cayaareen yaraynta burcad-badeednimadii ka jirtay gobolka.
"Warbixinta ay soo saartay (IMB) waa run, haseyeeshee kuma ayan xusin dadaalka aadka u sarreeyay ee ay Puntland ka gaysatay la dagaallanka arrinkan," ayuu Dirir u sheegay Sabahi.
Arrimo badan ayaa dhaliyay hoos-u-dhaca ku yimid burcad-badeednimada, kuwaa oo ay kamid yihiin ciidamada ammaanka ee saaran maraakiibta, iyo sidoo kale dadaalka cidamada badda ee heerka gobol iyo heerka caalami ee lagula dagaallamayo burcad-badeednimada.
"Waxan rumaysanahay in dadaalka dheeraadka ah ee ay la yimaadeen ciidamada Puntland uu kaalinka ugu muhiimsan ka gaystay yaraynta burcad-badeednimada," ayuu yiri Dirir. "Waxa ay gobollada xeebaha dhaca ka fuliyeen howl-gallo, waxa ay jareen waddooyinkii ay burcad-badeeddu u mari jirtay sahayda, waxayna qabteen burcad-badeed tiro badan."
Dirir waxa uu ku celiyay ahamiyadda ay leedahay in burcad-badeedda lagula dagaallamo dhulka si la mida dagaalka looga hayo badda, waxana uu intaa ku daray in Puntland u baahan tahay dhaqaale dheeraad ah si loo taageero dadaalladaas.
"Shirar dhowr ah oo ku saabsan ammaanka, waxannu ku celcelinay in dagaallada looga soo horjeedo burcad-badeednimada ee ka socda gudaha la xoojiyo, si kastaba ha ahaatee beesha caalamku wali arrinkaa uma dhaqaaqin," ayuu yiri.
Bishii hore, ayuu Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed codsaday hub iyo lacag si loola dagaallamo burcad-badeednimada, isaga oo sheegay in dalkiisu awood u leeyahay in uu burcad-badeednimada ku soo af-jaro sannad gudihii.
Midowga Yurub ayaa Isniintii (16-kii Juulaay) shaaciyay in uu bilaabay howl-gal cusub oo dhinaca rayidka ah laguna magacaabo (EUCAP Nestor), si loola dagaallamo burcad-badeedda Geeska Afrika, sida lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay Midowga Yurub.
How-galka cusub ayaa ula-jeedadiisu tahay sidii loo dhisi lahaa awoodda dhinaca badaha ee gobolka isla markaana loo tababari lahaa bilayska ilaaliya xeebaha iyo garsoorayaasha Soomaaliya.
"Bilaabidda howl-galkan cusub laga bilaabayo Geeska Afrika, ayuu Midowga Yurub waxa uu marka kale hoosta ka xarriiqayaa kaalintiisa hoggaamineed ee la dagaallanka burcad-badeednimada," ayay tiri Wakiillka Sare ee Midowga Yurub Catherine Ashton. "Iyada oo ay hoggaaminayaan isla dalalkaa, ayaan rajaynayaa in howlgalka EUCAP Nestor uu abuuro xal kama-dambays ah oo lagu tirtiro burcad-badeednimada."
Koox qiyaasta ka kooban 175 xubnood ayaa la gayn doonaa biyo-daleedyada kulaala xeebaha Jabuuti, Kenya, Sychelles iyo Soomaaliya, kuwaa oo dhammaantood aqbalay dadaalka Midowga Yurub ee gacanta lagu siinayo.
Howl-galkan ayaa sida ugu dhaqsiyaha badan waxa loo gaarsiin doonaa Tansaaniya, sida uu sheegay Midowga Yurub.
Hadal uu ka jeediyay barlamaanka hortiisa, ayuu Wasiirka Difaaca iyo Shaqada Qaranka ee Tansaaniya Shamsi Vuai Nhodha waxa uu uga hadlay dadaalka Tansaaniya ay ka gaysato la dagaallanka burcad-badeednimada.
Waxa uu sheegay in kaliya hal markab la afduubay sannadkan, iyada oo saddex isku-dayna lagu fashilay, marka la babar-dhigo afar af-duub oo lagu guulaystay iyo 10 isku-day oo lagu fashilay sannadkii 2010-kii iyo 2011-kii, sidaana waxa Talaadadii (17-kii Juulaay) sheegay The Guardian-ka Tansaaniya.
"Falalkii burcad-badeeddu waa ay yaraadeen mahaddaana waxaa leh ciidamadeenna badda," ayuu yiri Nahodha, isaga oo intaa ku daray in xukuumaddiisu ay dar-dar-galinayso awooddeeda millatari ee ku aaddan la-dagaallanka burcad-badeedda.
Wasiirku waxa uu sidoo kale sheegay in xasillooni-darrida ka jirta waddamada dariska ahi ay walwal ku hayaan Tansaaniya.
"Xilligan lagu jiro, colaadaha ka jira qaar ka mida waddamada dariska ah ayaa illaa iyo xad sababay kor u kaca ku yimid falalka dambiyada iyo dambiilayaasha ee dalka," ayuu yiri Nahodha. "Xukuumaddu waxa ay ku wargalisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah in ay waddo diblomaasiyadeed u hesho sidi xal waara looga gaari lahaa colaadahaas."
Xildhibaano Soomaali ah ayaa ka noqday mooshin ay ku codsadeen in ra'iisul-wasaaraha iyo xukuumad...
Xildhibaanada mucaaradka ah ee barlamaanka ayaa xukuumadda ku eedeeyay in ay cabburisay xoriyadda...
Saami dhinaca DNA-a ah oo laga qaaday caday ku jiray boorso wayn oo ay rasaasi ku jirtay lagana h...
Todoba iyo toban Kenyan ah ayaa lagu eedeeyay in ay jabiyeen nabaddii, rabshado iyo in ay si arxa...
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda in Isniintii (20-kii Maajo) ay madaafiic hoobiyayaal ah k...
Askar ka tirsan guutada Koox-dagaaleedka 9+ ayaa ku noqonaya dhulkoodii kadib 13 bilood oo ay ka ...
Ciidanka Bilayska Kenya ayaa bisha soo socota bilaabi doona xulid buuxda oo lagu kala sameeyo sar...
Isku day dhac oo la fashiliyay oo ka dhacay xafiis ammaan oo uu Wells Fargo ku leeyahay Mombasa a...
Madaxweynaha Ghana John Dramani Mahama ayaa ballan-qaaday taageerada dalkiisa ee ku aaddan xillig...
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray xildhibaanka laga soo doorto Iringa Peter Msigwa iyo 60 gnacsade a...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo