Luulyo 17, 2012
Warbixin dhawaan ka soo baxday Qaramada Midoobay oo ku saabsan Soomaaliya ayaa sheegaysa in 70 boqolkiiba dakhliga Dawladda Federaalka Ku-meel-gaarka ah ay ku luntay musuqmaasuq, xatooyo ama dayicid, isla markaana in hoggaamiyayaasha ku lug leh musuqmaasuqa uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay si degdeg ah ugu soo rogo cunaqabatayn, sida ay sheegtay AFP.
"Sannadihii 2009-kii illaa iyo 2010-kii, 10-kii doollar oo ay qaaddo DFKMG 7 doollar oo kamid ahi sooma gaadho khasnaddaha dawladda," sida lagu qoray warbixinta oo ay soo diyaarisay Kooxda Qaramadaa Midoobay ee la socodka Soomaaliya iyo Eritrea, taasoo bannaanka u soo baxday todobaadkii hore.
Sannadkii 2011-kii, ku dhawaad rubuc ka mida wadarta kharashaadka xukuumadda --oo ka badan 12 milyan oo doollar -- ayaa "waxuu ku baxay" xafiisyada madaxweynaha, ra'iisul-wasaaraha iyo af-hayeenka barlamaanka, ayay tiri warbixintu. Taasi waxay ay u dhigantaa kala-bar dakhliga ay DFKMG ahi ka samayso gudaha, iyo sidoo kale ku dhawaad kharashka xukuumadda kaga baxa ammaanka xilliyada colaadaha", ayaa lagu sheegay warbixinta.
Warbixintu waxa ay farta ku fiiqaysaa madax sarsare oo dhowr ah oo ka tirsan DFKMG ah oo ka qayb-qaatay musuqmaasuqa, kuwaa oo ay kamid yihiin Madaxwayne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra'iisul-wasaare Cabdiweli Maxamed Cali iyo Af-hayeenka Barlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Warbixntu waxa ay ka digtay in haddii lagu fashilo xakamaynta musuqmaasuqu ay al-Shabaab u suura-galin doonto in ay dib isu soo hubeeyaan mustaqbalka, iyada oo la muujiyay in guulihii dhawaan al-Shabaab dhulalka looga qabsaday la lumin doono haddii aan wax laga qaban maamulka dowliga ah. Al-Shabaab wali waxa ay "khatar wayn ku tahay nabadda, ammaanka iyo xasiloonida, kalilya maaha Soomaaliyee, waxa ay sidoo kale khatar ku tahay adduun-waynaha", ayaa lagu qoray warbixinta.
Xafiiska Ra'iisul-wasaaruhu waa uu beeniyay eedaymahaas, waxana uu ku tilmaamay kuwo "been aan battaatanba sal iyo raad toonna lahayn". "Been-abuurkan ula kaca ah waxa looga gol-leeyahay in lagu wasakheeyo magaca wanaagsan iyo sharafka ra'iisul-wasaaraha iyada oo sidoo kale u gogol-xaaraysa ihaaneeyn iyo magac-dil si dhagaraysan loogu dhaawacayo sumcadda uu sida adag ku kasbaday ra'iisul-wasaaraha," war-saxaafaadeed kasoo baxay xafiiska ra'iisulwasaaraha ayaa sidaa lagu yiri.
Bilayska ayaa degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee Muqdisho ku xirxiray boqollaal loo tuhmay in ay...
Shir soconaya saddex maalmood ayaa ka furmay Muqdisho Talaadadii (18-kii June), kaas oo isku keen...
Ciidamada dawladda Soomaaliya oo ay bari-taarayaan kuwa Howlgaka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AM...
Xogyaha Arrimaha Gudaha iyo Xiriirinta Xukuumadaha Qaranka Joseph Ole Lenku ayaa Isniintii (17-ki...
Dab qabsaday suuqa weyn ee Gaarisa ayaa burburiyay in ka badan 100 buqcadood habeeynimadii Isniin...
Xoghayaha Dawladda ee Midnimada Qaranka Jabuuti Zahra Yuusuf Kayad ayaa Isniintii (17-kii June) w...
Guddiga barlamaanka ee miisaaniyadda ayaa diiday qorshe xafiis cusub loogu iibinayo madaxweynihii...
Gubato ka kacday magaalada Balbala ee Jabuuti Axaddii (16-kii June), ayaa burburisay 11 guri iyad...
Sawirradii ay al-Shabaab ku soo bandhigtay barteeda Twitter-ka Axaddii (16-kii June) oo ay ka muu...
Bilayska Kenya ayaa Mombasa ku dilay Kassim Omolo Otieno oo looga shakiyay argaggixisannimo intii...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Dhamaanteen waynu necebnahay musuqmaasuqa, waayo wuxu inaga hor istaagayaa horusocodka, iyo in aynu bulshadeena horumarino. Way fiicantahay in aragno kooxo iyagu ka shaqeeya dabagalka musuqmaasuqa, iyo soo bandhigida waxyaabaha qarsoon! Waxaa loo baahanyahay wakaalad madax banaan oo nimankaas dhamaantood su’aalo waydiisa, waana in madaxwaynaha iyo shaqaalihiisaba wax la su’aalaa, waxay hanti haystaana waa in xukuumada soomaaliyeed ay yeelataa oo ay noqdaan hanti qaran. Dhamaanteen waynu ka warhaynaa waxay dadkaasi hore u haysteen, iyo waxay kartidooda ku heli karaan mudadii ay xilalka hayeen!
Waxay rabeen inay qariyaan habdhaqan xumadooda (waa madaxwaynaha iyo af-hayeenka baarlamaanka ee), sidaa awgeed, waxay isu bahaysteen inay Farmaajo ku qasbaan inuu iscasilo, sababtoo ah wuxuu ahaa nin hantida dalka si wanaagsan u adeegsada, taasaanuu ku helay gacan sarraynta. Markaa waxaan leeyahay gudidad dabagalka, fadlan daahfura wixii hab-dhaqan xumo ah ee aan laga war haynin.
Waxaan rajaynaynaa in arrinkani been abuur yahay. Anigu aad ayaan u necbahay musuqmaasuqa! Dadka wanaagsanina waa inay arrinkan si dagdag ah u joojiyaan.
Hambalyo ayaan leeyahay kooxda arrinka daba gashay, ee daahfurtay xadiga intaa leeg ee musuqmaasuqa ah, dadka arrinkan ku lug lihina waa in cadaalad heer caalami ah la horkeenaa.