Xubin ka tirsan al-Shabaab oo Muqdisho lagu dilay

Luulyo 16, 2012

  • 1 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Xubin ka tirsan al-Shabaab oo ku hubaysnaa bistoollad iyo bam, ayaa la dilay Axaddii (15-kii Juulaay) kadib is-rasaasayn muddo kooban ka socotay degmada Shibis ee Muqdisho, sidaana waxa sheegay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed.

Taliye ka tirsan Nabad-sugidda Qaranka Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay aadeen masaajidka Rawda ee degmada Shibis kadib markii ay heleen xog ku saabsan in xubin hubaysan oo ka tirsan al-Shabaab uu halkaa ku sugan yahay.

Howl-galkan ayaa yimid iyada oo ay ciidamada Dawladda Federaalka Ku-meel-gaarka ah iyo kuwa Midowga Afrika ay adkaynayaan ammaanka magaalada Muqdisho iyada oo la isu diyaarinayo kulanka Golaha Degaannada Qaranka ee dhawaan qabsoomi doona.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 4)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • cabdullahi
    July 17, 2012 @ 07:09:26PM

    Dumarka waxaan ku Naqaan Akhlaaq wanaag iyo xishood tanisa waa naag usoo dhardhigatay Xishood dari iyo wax ay Dumarka Soomaaliyeed ka faanaan waxa ay la hadleyso malaha waa kuwa carabta ah ee seefta lagu Islaamiyey. Waxan filayaa in aysan Dhawaahiri xaaskiisu waxna qori waxna akhrin maxaa yeelay soomaalidu dagaal la'aan ayey diinta Islaamka Qaateen wakhti uusan Islaamku ku fidin dalka Sucuudiga iska dhaaf halka ay iyadu kasoo jeedo oo uu islaamku gaaray xilli ay umadda soomaaliyeed min raas kambooni ilaa raas caseyr soomaalidu islaam ku naaloonayeen

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada