Luulyo 13, 2012
Bangiga Adduunka ayaa Khamiisti (12-ki Juulaay) ogolaaday dayn dhan 684 milyan oo doolar oo la siinayo Kenya iyo Itoobiya, si loogu maal-galiyo xoog koronto oo xudduudaha isaga tallaaba.
Mashruuca cusub ee East Electricity Highway ayaa waxaa ku bixi doona wajiga hore 1.3 bilyan oo doolar, oo ay ka faa'iidi doonaan 212 milyan oo qof oo ku kala nool shan waddan. Bangiga Horu-marinta Afrika, Hay'adda Horu-marinta ee Faransiiska, iyo dowladaha Itoobiya iyo Kenya ayaa sidoo kale maal-galin doon mashruuca.
"Mashruucan is-bedel ee taariikhiga ah waxa uu bedeli doonaa aasaaska tamarta ee Bariga Afrika," ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Bangiga Aduunka ee Afrika Makhtar Diop. "Xiligan la joogo, saddaxdii qof ee Afrikaan ahba, hal qof ayaa hela korontada. sidaa daraadeed kordhinta qeybsashada korontada ee dalalka waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday la-falgalidda baahiyaha Afrika."
Itoobiya ayaa ka iibin doonta awooddeeda Kenya kadib marka la dhiso awoodda korontada, hadii loo baahdana arintaas waa la badli karaa mustaqbalka. Iskaashiga Horu-marinta Caalamiga ah, oo ah qeyb kamid ah Bangiga Adduunka ayaa Kenya ugu deeqi doonta 243 milyan oo doolar, halka Itoobiyana ay siin doonto 441 milyan oo doolar.
"Mashruuca Eastern Electricity Highway waxa uu si wayn uga qeyb qaadan doonaa caawinta horu-marka ay u baahan yihiin dadka Itoobiya, Kenya iyo gobolada hoos yimaada," ayuu yiri Jamal Saghir, Agaasimaha Bangiga Adduunka ee Horu-marinta Afrika.
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray in ka badan 90 qof kadibmaalin muddaaharaad qof ku dhintay uu ka d...
Kenya ayaa ka codsatay Golaha Ammaanka ee QM Khamiistii (23-kii May) in uu joojiyo dacawadda ay w...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay xaflad ka dhacday Muqdisho Khamiis...
Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee waddamada xubnaha ka ah Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa is...
Hoggaamiye bulsheedka Maxamed Omar Said ayaa Khamiistii (23-kii May) waxa lagu weeraray aashito h...
Maxakamad ku taal Puntland ayaa todoba qof ku xukuntay dil taas oo ay ku mutaysteen dilkii wadaad...
Hay'adda gargaarka caalamiga ah ee Global Partnership for Education (GPE) ayaa ku dhawaaqday deeq...
Hay'adda ilaalinta xuquqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu yeertay Kenya in ay ixtiraa...
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa ballan-qaaday in Xeerka cusub ee Duur-joogta lagu ...
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Waa arrin horu-mar u ah dalalka bariga Afrika. Howl wacan ayaa la qabtay.