Ragg ka tirsan booliiska Kenya oo lagu dhaawacay dhaba-gal ka dhacay meel u dhow Soomaaliya

Luulyo 13, 2012

  • 1 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Laba sarkaal oo ka tirsan booliiska Kenya ayaa la toogtay, si xunna loo dhaawacay weerar lagu eedeeyay al-Shabaab oo ka dhacay Mandheeraa Khamiistii (12-kii Juulaay), Capital FM-ta Kenya ayaa warisay.

Saraakiisha ayaa ku jiray safar ay ugu soo laabanayeen Gaarisa, iyagoo ka yimid aagga Carabia, oo u dhow xudduudda Soomaaliya, kahor inta dablay hubaysani aysan bilaabin in ay xabadeeyaan.

"Dablaydu waxa ay ahaayeen kooxo, waxayna nagu soo fureen xabado anagana waan iska caabinay," ayuu yiri Taliye xigeenka Booliiska aagga John Mbaluka.

Laba todobaad ka hor, dablay hubaysan ayaa dilay ugu yaraan 17 qof, dhaawacayna dad tobaneeyo ah kadib weeraro lala bar-tilmaan saday laba kaniisadood oo Gaarisa ku yaala..

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 5)

Dislike_icon(4)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • dahir
    July 14, 2012 @ 03:48:16PM

    Waa wax xun in la laayo dad aan waxba galabsan oo nabadda jecel

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada