Ciidamada badda ee Jarmalka oo cunno ugu deeqay ciyaalka darbiyo jiifka ah ee Jabuuti

Luulyo 12, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Lifaaqa ay ciidamda badda Jarmalku ku leeyihiin Jabuuti iyo urur gargaarka Katooliga ah ee Caritas ayaa dhawaan wada bilaabay in ay qado ugu deeqaan carruurta aan guryaha lahayn ee ku sugan caasimadda, sidaana waxa Arbacadii (11-kii Juulaay) sheegay La Nation-ka Jabuuti.

"Waxannu haysannaa bur ka badan intii loo baahnaa, marka maxaa noo diidaya in aan rooti siino kuwa u baahan?" ayuu yiri madbakh hayaha lifaaqa ciidamada badda ee Jarmalka.

Saraakiil ka socota lifaaqa ciidamada badda ee Jarmalka ayaa qaybiyay caano, digaag (dagiiran), cunnada laga sameeyo caanaha iyo rooti si ay cunno nafaqo leh ugu noqoto caruurta, taasoo ay keentay Caritas.

"Waad ku mahadsanidiin tallaabadiina deeqsinimadu ku dhantahay, iyo sidoo kale sida aad ugu naxariisateen waqtigiinana ula wadaagteen kuwa aan hoyga lahayn," ayuu yiri Maamulaha Xafiiska Caritas ee Jabuuti Thierry Haquet.

Caritas waxa ay maamushaa barnaamijyo dhowr ah oo loogu tala-galay carruurta darbiyo-jiifka ah ee Jabuuti, kuwaa oo ay ka mid yihiin bixinta daryeel caafimaad iyo waxbarasho.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 2)

Dislike_icon(1)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma haboontahay in la badalo dastuurka Kenya si aqalka Guurtida awood dheeraad ah loo siiyo?

Fiirso natiijada