Luulyo 12, 2012
Laba qof oo Keenyaan ah iyo dhakhtar Soomaali ah ayaa Soomaaliya lagu af-duubay Arbacadii (11-kii Juulaay), sidaana waxa sheegay bilayska.
Af-duubka ayaa ka dhacay meel u dhow magaalada Gaalkacyo, oo dhacda xudduuda dawlad-goboleedka waqooyiga ee Puntland iyo kan Galmudug.
"Laba muwaaddin oo u dhashay Kenya iyo dhakhtar ka soo jeeda deegaanka ayaa la af-duubay, wararka ugu horreeyana waxa ay carabaabayaan in af-duubayaashu ahaayeen burcad-badeed, laakiin wali waxaanu baaraynaa dhacdada," ayuu Adan Warsame, oo ah sarkaal ka tirsan bilayska Gaalkacyo u sheegay AFP.
Maxamed Ciise Xasan, oo ah sarkaal kale oo bilays ah, ayaa sheegay in ay af-duubkaas ku dhaawacmeen darawal iyo laba qof oo waardiye ahaa.
Saddexda qof ee la qafaashay ayaa u shaqeeynayay hay'ad gargaar oo aan dawli ahayn oo laga leeyahay Sweden laguna magacaabo International Aid Services. Hay'adda ayaa hadal ay ka soo saartay Sweden ku xaqiijisay af-duubka, haseyeeshee ku sheegtay kuwa la qafaashay in ay yihiin saddex qof oo laga keenay Kenya.
Kani waa af-duubkii labaad oo lagula kaco shaqaalaha gargaarka bil gudaheed, kadibaf-duubkii loo gaystay afar shaqaale oo ka tirsan Golaha Qaxootiga Nowray oo laga af-duubtay xerada Qaxootiga Dhadhaab ee Kenya todobaadkii hore.
Bilayska ayaa degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee Muqdisho ku xirxiray boqollaal loo tuhmay in ay...
Shir soconaya saddex maalmood ayaa ka furmay Muqdisho Talaadadii (18-kii June), kaas oo isku keen...
Ciidamada dawladda Soomaaliya oo ay bari-taarayaan kuwa Howlgaka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AM...
Xogyaha Arrimaha Gudaha iyo Xiriirinta Xukuumadaha Qaranka Joseph Ole Lenku ayaa Isniintii (17-ki...
Dab qabsaday suuqa weyn ee Gaarisa ayaa burburiyay in ka badan 100 buqcadood habeeynimadii Isniin...
Xoghayaha Dawladda ee Midnimada Qaranka Jabuuti Zahra Yuusuf Kayad ayaa Isniintii (17-kii June) w...
Guddiga barlamaanka ee miisaaniyadda ayaa diiday qorshe xafiis cusub loogu iibinayo madaxweynihii...
Gubato ka kacday magaalada Balbala ee Jabuuti Axaddii (16-kii June), ayaa burburisay 11 guri iyad...
Sawirradii ay al-Shabaab ku soo bandhigtay barteeda Twitter-ka Axaddii (16-kii June) oo ay ka muu...
Bilayska Kenya ayaa Mombasa ku dilay Kassim Omolo Otieno oo looga shakiyay argaggixisannimo intii...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo