Shirkii Golaha Degaannada Qaranka Soomaaliya oo dib loo dhigay

Luulyo 12, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Shirkii Golaha Degaannada Qaranka Soomaaliyeed, ee qorsheeysanaa in uu Muqdisho ka biloowdo Khamiista (12-ka Juulaay) ayaa dib loo dhigay, iyada oo aan la sheegin waqtiga uu qabsoomi doonol.

Dib-u-dhigidda ayaa timid kadib markii hoggaamiyayaasha qabaa'ilka ee Muqdishuo ku shirsanaa saddexdii bilood ee la soo dhaafay ay ku fashilmeen in ay ku soo magacaabaan xubnaha Golaha Degaannada Qaranka waqtigii kama dambaysta ahaa .

"Dib-u-dhaca ayaa ka dhashay sida ay qabaa'illada qaar ugu caal-waayeen in ay soo doortaan xubnaha wakiillada u galaya golaha degaannada qaranka," ayuu Sabahi u sheegay Maxamed Yacquub, oo ah hoggaamiye qabiil ku sugan Muqdisho. Waxa uu sheegay in kaliya 60 boqolkiiba ka mida golaha illaa iyo hadda la soo magacaabay.

Sida uu qabo jadwalka ay isku raaceen hoggaamiyayaasha siyaasadda, waxa uu go'aanku ahaa in Golaha Matalaya Degaannada Qaranka uu kulmo 12-ka Juulaay, si ay dib-u-eegid ugu sameeyaan dastuurka kadibna u ansixiyaan kama dambays 20-ka Juulaay, haseyeeshee, hoggaamiyayaasha qabaa'ilka ayaa ku fashilmay in ay xukuumadda soo gaarsiiyaan magacayada ergadaka ka kooban 825-ta xubnood.

Tani waa markii saddexaad oo ay hoggaamiyayaasha qabaa'ilku ay la dhaaftay waqtigii loo qabtay in ay ku soo dhameeyaan waajibka soo xullidda xubnaha Golaha Matala Degaannada Qaranka. Hoggaamiyayaasha qabaa'ilka ayaa ku fashilmayin ay soo xulaan ergada si ay u kulmaan ka hor 15-kii May, haddana waxa ay markale ku fashilmeen in ay soo xulaan si uu shirku ugu biloowdo 20-kii Juun.

Inkasata oo ay dib-u-dhacyadaa jiraan, Yacquub waxa uu rajo ka muujiyay in hoggaamiyayaasha qabaa'ilku ay maareeyn doonaan soo xulidda xubnaha ka harsan golaha degaannada ka hor dhamaadka todobaadkan.

"Waxan aad ugu rajo-waynahay in hoggaamiyayaasha qabaa'ilku ay awoodi doonaan in ay ka soo dhalaalaan waajibkan oo ay soo gudbiyaan magacyada dhammaan xubnaha golaha matalaya deggaanada saddexda maalmood ee soo socota gudahooda," ayuu yiri. "Waxaan sidoo kale ku rajo-waynahay in shirka Golaha Degaannada uu bilaaban doono Axadda, 15-ka Juulaay.

Waqtigii ayaa ka dhammaanaya hoggaamiyayaasha Soomaaliyeed ee looga fadhiyo in ay soo dhammeeystiraan waajibka culus ee u asaaska u dhigaya in la soo dhammeeyo marxaladda ku-meel-gaarnimada marka la gaaro 20-ka August. Waajibaadyada ugu muhiimsanna waxaa ka mida in la ansixiyo dastuurka cusub dabadeedna la soo xulo xubnaha barlamaanka cusub ka hor 20-ka July.

Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra'iisul-wasaare Cabdiweli Maxamed Caliwaxa ay kulmao xiriir ah la lahaayeen hoggaamiyayaasha qabaa'ilka, si ay ugu dhiiri-galiyaan in ay dadajiyaan tallaabooyinka ay ku soo xulayaan xubnaha Golaha Matala Degaannada Qaranka, halka hoggaamiyayaasha qabaa'ilku ay sheegeen in ay rabaan in dib-u-eegid lagu sameeyo dastuurka qabyada ah ka hor inta aanu kulmin goluhu.

Cali ayaa sheegay in dastuurku yahay dokumenti sharci ah iyada oo dhammaan qaybaha uu ka koobanyahay mujtamaca Soomaaliyeed lagu dari doono xubnaha Golaha Matala Degaannada Qaranka.

"Waxannu ku sii siqaynaa xilligii kama dambaysta ahaa waana in ay naga go'naataa in aan dhisno bulsho u janjeerta dhinaca nabadda iyo dumuqraadiyadda," ayuu Cali ku yiri khudbad uu jeediyay Talaadadii, sida uu sheegay Radio Kulmiye.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada