Kaniisadaha Kenya oo Axadaha ay ilaalinayaan bilayska

Luulyo 09, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Bilayska Kenya ayaa loo daad-gureeyay in ay ilaaliyaan dadka aada kaniisadaha Axaddii (8-dii Juulaay), kadib weerarradii bambaanooyin ee ay al-Shabaab todobaadkii hore ku qaadday laba kaniisadood oo ku yaal Gaarisa, sidaana waxa qoray Daily Nation-ka Kenya.

Gobollada Bartamaha iyo Bariga, ayaa kaniisad walba waxa loo asteeyay afar sarkaal oo bilays ah si ay u baaraan dadka ka qayb-galaya ducada.

"Saraakiisha ayaannu ugu dirnay goobaha lagu cibaadaysto si aan u ilaalino dadka cibaadaysanaya," ayuu yiri Taliyaha Bilayska Gobolka Bariga Marcus Ochola. Bulshada ku xiran kaniisadaha ayaa sidoo kale lagu dhiiri-galiyay in ay isha ku hayaan wajiyada ayan garanayn.

Koox ka tirsan hoggaamiyayaasha kaniisadaha magaalada Murang'a oo ku taal Gobolka Bartamaha ayaa ku baaqay in ay dawladdu waajib iska saarto ilaalinta kaniisadaha dalka.

"Kuwa weerarrada ku qaadaya kaniisadaha Kenya waxa ka dhashay qaddiyad aad muhiim u ah oo ku saabsan ammaanka iyo illaa iyo xadka uu sugan yahay ammaanka kaniisadaha iyo dadka Kenyanka ah," ayuu yiri Bishop Stanley Michuki. "Dawladdu waa in ay kor u qaaddaa dadaalkeeda ku aaddan sidii loo ilaalin lahaa muwaadiniinta."

"Dawladdu waxa ay haysataa dhammaan qalabkii lagama maarmaanka u ahaa in lala dagaallo jariimada iyo weerarrada arggaggixisannimo sidaa darteed waa in ay iyaduna si le'eg u isticmaashaa si ay u ilaaliso dadka," ayuu yiri.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma haboontahay in la badalo dastuurka Kenya si aqalka Guurtida awood dheeraad ah loo siiyo?

Fiirso natiijada