Luulyo 08, 2012
Ciidamada Difaaca Kenya ayaa ka shaqaynaya in uu qorto ardayda ka soo qalin-jabisay jaamacadaha ee soo bartay culuumta farsamada ee muhiimka ah, sidaana waxaa Sabtidii (7-dii Juulaay) sheegay Daily Nation-ka Kenya.
Qorashada dad ku takhasusay dhinacyada ay ka midka yihiin samaynta barnaamijyada ay kombiyuutarada ku shaqeeyaan (software), macluumaadka juqraafiyeed iyo saadaasha hawada ayaa "waxa ay qayb ka tahay barnaamijka casriyaynta ee loo qorsheeyay in ay kordhiyaan tayada wax-qabad ee ciidamada", ayuu yiri afhayeenka millatariga Gaashaanlle Emmanuel Chirchir. "Si la mida hay'adaha kale ee dowliga ah, waxa jira dhinacyo badan oo khuseeya tignoolajiyadda macluumaadka oo lagama maarmaan u ah howlgallada casriga ah."
Simiyu Werunga, oo ah dhame howl-gab ah, ayaa sheegay in ciidamo ku qalabaysan tababar casri ah ay ka soo dhalaali karaan baahida ciidanka ee ku aaddan dajinta khariidad xambaarsan macluumaad waafi ah oo lagu isticmaali karo goobaha dagaalka, saadaalin kara cimilada, isla markaana ku shaqayn kara hub casri ah.
Ciidamada Kenya ee al-Shabaab kula diriraya Soomaaliya ayaa haatan waxa ay hoos-yimaadaan dalladda how-lgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray in ka badan 90 qof kadibmaalin muddaaharaad qof ku dhintay uu ka d...
Kenya ayaa ka codsatay Golaha Ammaanka ee QM Khamiistii (23-kii May) in uu joojiyo dacawadda ay w...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay xaflad ka dhacday Muqdisho Khamiis...
Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee waddamada xubnaha ka ah Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa is...
Hoggaamiye bulsheedka Maxamed Omar Said ayaa Khamiistii (23-kii May) waxa lagu weeraray aashito h...
Maxakamad ku taal Puntland ayaa todoba qof ku xukuntay dil taas oo ay ku mutaysteen dilkii wadaad...
Hay'adda gargaarka caalamiga ah ee Global Partnership for Education (GPE) ayaa ku dhawaaqday deeq...
Hay'adda ilaalinta xuquqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu yeertay Kenya in ay ixtiraa...
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa ballan-qaaday in Xeerka cusub ee Duur-joogta lagu ...
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Anigu waxaan ahay muwaadin Kenya u dhashay, day’dayduna waa 25 jir, waxaanan anigu ku wacanahay culuumta iyo tiknoolajiyada. Waxaan dhamaystay waxbarasho ah dhinaca qalabka elektrooniga ee diyaaradaha, waxaanan wax ka bartay kuliyada Trans-eastern College, taasoo ku taala tuulada Bomas ee Kenya, waxaanan baasay imtixaanka KNEC. Sidoo kale waxaan leeyahay khibrad ku saabsan diyaaradaha madaniga ah oo aan ka yarayn muddo sanad ah. Dhanka kale, waxaan awood u leeyahay inaan hirgaliyo mashruuc ka kooban nidaam isgaadhsiineed oo wax lagu kaantaroolo. Hadii shaqo la ii dhiibo, waxaaan awood u leeyahay inaan soo bandhigo hibada aan u leeyahay culuumta iyo tiknoolajiyada. Waad mahadsantihiin.
Waa arrin wacan in la shaqaalaysiiyo sir doon, waxaanan u malaynayaa sidaasuu arrinku ahaa markii hore. Laakiin sideebay ku dhacday in ninka lagu magacaabo Kabuga ay wali ciidamadeenu magan galyo u fidiyaan, taasoo keentay in xulufadeeno Koongada Dimuqraadiga ah ay dagaalka inagaga bexeen? Goorma wannanka la difaacayo la yiri waxa ay gacan ku leeyihiin fallaagada?