Bilayska Kenya oo qabtay nin watay bam-gacmeedyo

Luulyo 06, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Bilayska Kenya ayaa Khamiistii (5-tii Juulaay) waxa ay meel u dhow Bandhiga Beeraha Nakuru ka qabteen nin watay laba bam-gacmeed, wax yar ka hor intii uunan halkaa soo gaarin Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki oo halkaa khudbad ka jeedin lahaa, sidaana waxa sheegay Capital FM-ta Kenya.

Tuhmanaha ayaa lagu qabtay intii uu socday baaritaan khasab ah ka hor intii uunan galin bandhigga, waxaana lagu xiray saldhiga bilayska Nakuru, iyada oo si dagg-dagg ah loogu soo gudbin doono Nairobi si ay su'aalo u waydiiyaan unguta bilayska ee qaabilsan la dagaallanka argagixisanimada.

Ammaankii carwada lagu dhigayay bandhigga ayaa la sii adkeeyay kadib qabashadaas, iyada oo uu Kibaki-na ugu yeeray dadka Kenya in ay ka midaysnaadaan khataraha. "Marna kama caajisi doono in aan ka adkaano cadawga dalka," ayuu yiri. "Marna nama cabsi-galin doonaan weerarrada arggaggixisadu u gaysanayaan dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan iyaga oo taa ula jeeda in ay dadka ku beeraan cabsi iyo argagax."

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 2)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada