Hay'ad Tansaaniyaan ah oo heshay dayn lagu maal-galinayo guriyayn jaban

Luulyo 03, 2012

  • 1 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Hay'adda Qaranka Tansaaniya ee Guriyaynta (NHC) iyo dallad ka kooban sagaal hay'ad-maaliyadeed (bangi) ayaa Isniintii (2-dii Juulaay) wada saxiixday heshiis dayn ah oo qaddarkiisu yahay 165 bilyan oo shilin, una dhiganta 104 milyan oo doolar si loogu dhiso guryo kharashkoodu jaban yahay, sidaana waxa sheegay Daily Nation-ka Tansaaniya.

Wasiirka Dhulka, Guriyaynta iyo Horumarinta Dajinta Dadka Anna Tibaijuka ayaa sheegay in heshiisku uu "yahay dayntii ugu ballaarnayd ee la siiyo shirkadaha guryaha dhisa ee Tansaaniya."

Koox ka kooban todoba bangi oo maxalli ah, santuukh howl-gab iyo hay'ad kale oo maaliyadeed ayaa bixiyay lacagta daynta ah.

Hay'adda NHC ayaa asalkii qorshaysay in ay aruuriso lacag gaaraysa 310 bilyan oo shilin oo u dhiganta 196 milyan o doolar si loogu hirgaliyo qorsheheeda shanta sano ee 2010-ka illaa iyo 2015-ka, laakiin lacagtan biloowga ah waxa ay hay'addan xukuumiga ah u oggolaan doontaa in ay gaarto yoolkeedii ahaa in ay dhisto 15,000 oo guri ka hor sannadka 2015-ka, ayuu yiri Agaasimaha Guud ee NHC Nehemia Mchechu.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 3)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • WILSON
    February 25, 2013 @ 03:20:13AM

    Waxaan jeclaan lahaa inaan ogaado inaan guryahaa jaban ka dhisan karo meesha aan rabo.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada