Xarun cusub oo qaabilsan Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka oo laga furay Jabuuti

Luulyo 03, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Marwada koowaad ee Jabuuti Khadra Maxamuud Xayd ayaa marti-galisay furitaanka xarun cusub oo qaabilsan Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka (MCH) taasoo Isniintii (2-dii Juulaay) laga furay caasimadda, sidaana waxaa sheegay La Nation-ka Jabuuti.

Mako Goumaneh Pavilion, ayaa dhistay xarunta Daar al-Xanaan iyada oo taageero ka heshay Santuukha Horumarinta Afrika, waxana yaalla 50 sariirood, laba qol oo lagu sameeyo qalliinka, saddex qol oo lagu nasiyo bukaanka oo loo gaar-yeelay hooyooyinka u baahan daryeelka culus iyo qol lagu xannaaneeyo carruurta lagu soo qalo hooyooyinka.

Marwo Khadra waxa ay xoogga saartay ahamiyadda ay leedahay in hooyooyinka iyo carruurta markaa dhasha loo fidiyo dareeyl caafimaad oo tayo sare leh.

"Dhimista dhimashada hooyada iyo dhallaanka xilliga foosha ayaa loo aqoonsaday in ay tahay qaddiyad qaran oo wayn," ayay tiri. "Waa arrin khuseeya dumidda haya'ado takhasus u leh taasoo ku lug leh marka la eego ahamiyadda barnaamijyada la taaba-galinayo iyada oo gacan laga helayo saaxibadeenna arrimaha horumarinta. Waxa ay ka dhigan tahay tiiyoo loo dagaallayo nolosha."

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada