Luulyo 03, 2012
Deeq-bixiyayaasha caalamiga ah ee ku sugan shirka Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee ka socda Rome ayaa Isniintii (2-dii Juulaay) waxa ay sheegeen in ay waajib tahay in dastuurka Soomaaliya lagu daro mabaadii'da ilaaliya xorriyadda diimaha.
"Waa in aannu ku adkaysannaa isla markaana hubinnaa in mabaadii'da sinnaanta iyo xorriyadda diimaha lagu ilaaliyo dastuurka cusub," ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda italy Giulio Tersi, sida ay sheegtay AFP.
Shirka Rome ka socda ayaa isku keenay saraakiil ka kala socota 28 dal iyo wakiillo ka socda hay'adaha caalamiga ah, kuwaa oo ku celiyay baahida loo qaboin ay Soomaaliya soo af-jarto maraxaladda ku-meel-gaarnimada marka la gaaro 20-ka August.
"Xaaladda Soomaaliya waxa ay maraysaa kala-bayr aad u adag... haddii aynu soo af-jarno xaaladda ku-meel-gaarnimo, waxan rajaynaynaa in waa cusub u biloowdo Soomaaliya," ayuu yiri Af-hayeenka Barlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Hoggaamiyayaasha Soomaaliya ayaa shir ay bishii hore ku yeesheen Nairobi waxa ay cod ku meel-mariyeen dastuurka qabyada ah. Hoggaamiyayaasha dhaqanka ayaa haatan ku jira sidii ay ku soo xuli lahaayeen xubnaha Golaha Degaannada Qaranka, kaasoo 20-ka Juulaay u codeeyn doona ansixinta dastuurka.
Ra'iisul-wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay in muddadii kama dambaysta ahayd ee loo qabtay ku-meel-gaarnimada ay sideedii tahay. "Waxannu asaaskii u diyaarinaynaa Soomaaliya cusub. Qaranka Soomaaliyeed waxa uu 20-ka August u dabaal-dagi doonaa waa cusub," ayuu yiri.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
Shan qof ayaa la dilay afar kalena way ku dhaawacantay laba weerar oo ka dhacay gobolka waqooyi-b...
Sababta ugu wayn ee colaadihii ay ku dhinteen in kabadan 150 qof ee sannadkii hore ka dhacay Tana...
Ururka Caafimaadka Adduuna (WHO) ayaa shaaciyay in cudurka dabaysha uu ka dillaacay Geeska Afrika...
Ciidamada Soomaaliya ayaa xiray xiray shirkadihii isgaarsiinta iyo ganacsiyo kale oo ku yaal Bele...
Xukuumadda Soomaaliya ayaa bilaabi doonta in ay maamuullo goboleedyo ka dhisto goobaha dhawaan la...
Wasiirka Tamarta Jabuuti Cali Yacquub Maxamuud iyo danjiraha Japan u fadhiya Jabuuti Atsushi Nish...
Furitaanka Shirka Bixiyayaasha Saliidda iyo Gaaska Tansaaniya ayaa lagu qaban doonaa Daarusalaam ...
Xildhibaanada waxay dib uga noqdeen mooshinkii ka dhanka ahaa Ra'iisul-wasaare Cabdi Faarax Shird...
Madaxweynaha maamul-goboleedka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Talaadadii (21-kii Maajo) ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
asc wr wbr kadib waxaan rabaa inaan halkan uga diro baaq dadka deeqda siiya somaliya iyo masuliyiinta ka kala socda 28ka wadan ee shirkii roma fadhiyay ,waxan idin ogaysinayaa in uuna midha dhalin doonin fikirkiina ah in dastuur dad muslimiin ah lagu daro xoriyada sinanta diimaha diimo kale kama jiraan somaliya oo aan ahayn diinta islamka , takale haday xoriyad sinan aad aminsantihiin oo dimaha maxad u dhibaysaan dadka muslimiinta ah ee wadamadiina ku nool ama aad ugu qasabtaan inay ka baxaan diintooda ama ay ka baxaan wadamadiina ,ugu dambayn kama shaqynayo dastuur aan quraanka kariimka ah ku dhisnayn somalia .