Bilayska Gaalkacyo oo la kordhiyay

Luulyo 03, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Ciidamada bilayska gobolka ayaa Isniintii habeenkeeda (2-dii Juulaay) ciidamo ammaan oo dheeraad ah keenay koonfurta Gaalkacyo ee uu ka taliyo maamulka Galmudug, taasoo jawaab u ah warar sheegaya in kooxo qowlaysato ah oo hubaysani ay magaalada soo galeen, sida uu sheegay taliyaha bilayska aaggaas Maxamed Nuur Cali.

Cali waxa uu war-fidiyeenka u sheegay in bilaysku la iman doonaan wax walba oo suura-gal ah sidii ay gobolka uga ilaalin lahaayeen falalka dambiilenimo, sidaana waxa sheegay Radio Bar-Kulan-ka ay maal-galiso Qaramaada Midoobaay. Waxa uu ku boorriyay dadka degaanka in ay taxaddar muujiyaan oo ay bilayska ku soo war-galiyaan wixii xog ah ee ku saabsan falal qowlaysato-nimo.

Xaaladda ammaan ee kor loo qaaday ayaa timid kadib dilkii Isniintii loo gaystay taliye-ku-xigeenkii bilayska Puntland Gaashaannle Sare Cabduullaahi Saalax Nadaalo oo ay rag hubaysani ku dileen Garoowe. Bilayska iyo ciidanka ilaalada madaxtooyada ayaa bilaabay baaritaan ay ku daba-joogaan kuwii dilka gaystay, laakiin illaa iyo hadda cidna lama soo xirin, sida uu sheegay Rado RBC.

Nadaalo ayaa ahaa xubin aad loogu yaqaan waaxda la dagaallanaka burcad-badeednimada ee ciidamada bilayska Puntland.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 2)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada