Ban Ki-moon oo dhalleeceeyay weerarradii kaniisadaha Gaarisa

Luulyo 03, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa dhalleeceeyay weerarradii Axaddii lagu qaaday laba kaniisadood uu ku yaal Gaarisa sida lagu sheegay hadal uu Isniintii (2-dii Juulaay) jeediyay af-hayeenkiisa.

"Weerarrada, sida ula-kaca ah loola bar-tilmaameedsado goobaha lagu cibaadaysto, waa axmaqnimo waana jariimo," ayaa lagu sheegay war-murtiyeedka. "Ma jirto wax sabab ah oo banneeynaysa in si aan loo aaba-yeelin loo bar-tilmaameedsado dadka rayidka ah. Kuwii soo abaabulay weerarradaa, iyo weerarradii kale ee argagixiso ee dhawaan ka dhacay Kenya, waa in caddaaladda la horkeenaa."

Ban ayaa tacsi u diray dadkii dhibaatadu ka soo gaartay weerarrada iyo qoysaskoodii. Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhintay daraasiin kalena waa ay ku dhaawacmeen weerarradaa.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 1)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada