Luulyo 02, 2012
Dawladda Tansaaniya ayaa ballan-qaadday in ay kordhin doonto ammaanka xudduudkeeda si ay ula dagaallanto tahriibinta dadka kadib 43 qof oo muhaajiriin Itoobiyaan ahi ay todobaadkii hore ku dhinteen iyaga oo dalka dhex maraya, sidaana waxaa Axaddii (1-dii Juulaay sheegay The Guardian-ka ka soo baxa Tansaaniya.
"Xukuumaddu iyada oo kaashanaysa dalal kale oo ku yaal Bariga Afrika iyo dawlado Afrikaan ah ayay hubin doontaa in ay ammaanka ugu adag ku soo rogto xudduudaha si ay ula dagaallanto ganacsiga sharci-darrada ah," ayuu yiri Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Pereira Ame Silima oo Jimcihii meel u dhow Dodoma kaga qayb-galayay aaskii 21-kii muhaajir.
"Waa arrin aad u murugo badan in aan ogaanno in dadku maanta ay mudnaanta koowaad siinayaan lacagta, iyaga oo meel iska dhigaya aadaminimada," ayuu yiri. "Xukuumaddu uma dul-qaadan doonto shakhsiyaadkaa iyo dhaqankoodaba. Tallaabooyin adag ayaa laga qaadi doonaa shakhsi walba oo ku lug-yeesha ganacisga caynkan oo kale ah."
Silima waxa uu sheegay in bilaysku ay baaritaan ka bilaabeen Tansaaniya, Kenya iyo Itoobiya sidii loo soo qaban lahaa dhammaan shakhsiyaadkii ku lugta lahaa ka ganacsiga dadka. Waxa uu si adag u dhalleeceeyay kuwii ku lug lahaa dhaqankaa isaga ah.
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray xildhibaanka laga soo doorto Iringa Peter Msigwa iyo 60 gnacsade a...
Maxkamad ku taal Boosaaso ayaa dambi ku heshay dabadeedna ganaaxday 78 Iraaniyiin ah Axaddii (19-...
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray15 tuhmane oo lala xiriiriyay dabkii habeeynimadii Jimcaha la qabad...
Kormeeraha Guud ee Bilayska Kenya David Kimaiyo ayaa tirtiray xilkii taliyayaasha bilayska goboll...
Rag hubeeysan ayaa Axaddii (19-kii Maajo) dilay laba qof afar kalena ku dhaawacay weerarro kala d...
Shir la doonayo in looga arrinsado fursadaha saliidda iyo gaaska, maal-gashiga, amniga, iyo kaaba...
Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland ayaa Axaddii (19-kii Maajo) waxa ay tababar soco...
In kabadan 1 milyan oo Soomaali ah ayaa baaqi ku sii ahaan doona "cunno yari" illaa iyo September...
Ergo ka socota Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa booqday madax ku kala sugan Muqdisho iyo K...
Nin argaggixisonimo looga shakiyay iyo xaaskiisa ayaa toogasho lagu dilay lix askari oo bilayska ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo