Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay oo ammaanay geeddi-socodka dastuurka Soomaaliya

Luulyo 02, 2012

  • 1 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Soomaaliya waxa ay ku tallaabsanaysaa horumar amaan mudan oo ay u qaadayso geedi-socodkeeda dastuuriga ah iyada oo dalku u dabaal-dagayo sannad-guuradii 52-aad ee ka soo wareegatay madax-bannaanida, sidaana waxaa war-murtiyeed Axaddii (1-dii Juulaay) ku sheegay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga.

"Tani waa marxalad rajo-wanaag galinaysa dhammaan dadka Soomaaliyeed," ayuu yiri, isaga oo Soomaalida ugu yeeray in ay ku dhaganaadaan hufnaan, isla-xisaabtan iyo in si ballaaran looga qayb-galo hannaanka geedi-socodka lagu jiro. "Meel-marinta dastuurka ku-meel-gaarka ah waxa uu tallaabo muhiim ah u noqon doonaa in la dhiso dawlad si dhab ah u matasha Soomaaliya, taasoo aan lahayd dawlad dhexe oo shaqaynaysa muddo ka badan 20 sano," ayuu yiri.

Shirka Golaha Degaannada Qaranka ayaa qabsoomi doona inta u dhexeeysa 12-ka Juulaay illaa 20-ka Juulaay si ay dib-u-eegid ugu sameeyaan dabadeedna u ansixiyaan dastuurka qabyada ah, kaasoo ay horay u soo ansixiyeen hoggaamiyayaasha dawladda. Hoggaamiyayaasha qabaa'ilka ayaa haatan ka shaqaynaya in ay magacaabaan xubnaha ergada golaha.

Mahiga ayaa ku dhiira-galiyay Soomaalida in ay ka shaqeeyaan danaha qaranka waxaana uu beesha caalamka ku tirtirsiiyay in ay taageeraan geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya iyada oo ay sii dhammaanayso xaaladdii ku-meel-gaarnimadu. "Guusha ay gaaraan Golaha Degaannada Qaranka ayaa waxa ay ahamiyad gaar ah u lahaan doontaa sidii loo joogtayn lahaa fursadda yididiillada isla markaana loo dhisi lahaa baarlamaan ka awood badan kii hore, kana howl-karsan kaasoo hanan kara kalsoonida dadka Soomaaliyeed afarta sano ee soo socda," ayuu yiri.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • idiris
    July 3, 2012 @ 04:40:18AM

    Waxaan ku noolahay soomaaliya, waxaanan ahaa Kiristaan kunool Hargaysa, waxaanan u baahanahay waxbarasho iyo inaan mustaqbalka shaqeeyo.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada