Madaxweynaha Soomaaliya oo booqday magaaladii dhawaan la qabsaday ee Balcad

Luulyo 01, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Sabtidii (30-kii Juun) booqday magaalada dhawaan la xoreeyay ee Balcad.

Intii uu ku jiray booqashadiisa, Axmed waxa uu u kuur-galay xeryo dhowr ah oo ay millatarigu leeyihiin iyo dhismayaal burburay oo ku yiilay magaaladan ku taal Shabeellaha Dhexe kadib markii ay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ka qabsadeen al-Shabaab Talaadadii, sida uu sheegay Radio RBC-ga Soomaaliya.

Axmed waxa uu ammaanay ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa Dawladda Federaalka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya waxaana uu ku dhaartay in la sii wadi doono gulufka ka socda guud ahaan dalka ee looga soo horjeedo al-Shabaab illaa iyo inta laga tirtirayo Soomaaliya.

“Dawaladdu waxa ay isku dayaysaa in ay ilaaliso sharciga iyo kala-dambaynta goobaha dhawaan la xoreeyay waxannuna quud-daraynaynaa taageerada dadka maxalliga ah,” ayuu yiri. “Ma ogolaan doono wax dol-daloollo ah oo ku yimaad ammaanka sababtoo ah waxannu ognahay in qaar ka mida qas-wadayaashu ay ka faa’idaysan karaan xaladahan oo kale.”

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 1)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada

Macluumaad