Juunyo 29, 2012
Shiinaha ayaa oggolaaday in Kenya uu ammaahiyo 71 milyan oo doollar oo u dhiganta lix bilyan oo shilin si loo dhiso kaabayaasha qaranka ee Optic Fibre Backbone (NOFBI) [oo ah xargaha qaada macluumaaka internetka ee mara badda hoosteeda) iyo ballaarinta maashaariicda dowladda, capital FM-ta Kenya ayaa Khamiisti (28-ki Juun) warisay.
Joseph Kinyua, oo ah xog-hayaha joogtada ee wasaarradda dhaqaalaha ayaa war-gayska u sheegay in labada dowladood ay si qabyo ah isugu raaceen heshiiska, iyadoo la qorshanayo in si rasmi ah loo saxiixo dhammaadka bisha July.
Mashruuca lasoo jeediyay ayaa maamullada 16 degmo ee Kenya ku xiriirin doona fiilada national fibre-optic, isagoo kor u qaadaya tayada internetka. “Marka la dhamaystiro arrintan, maashruca waxa uu soo kordhin doonaa, isgaarsiin ammaan ah, lagu kalsoonaan karo oo waxtar u leh dowladda iyo muwaadiniinta,” ayuu yiri Kinyua.
Mar hore ayaa fiilada Fibre-optic waxaaa laga hir-galiyay dhowr casimad-goboleed, balse Kinyua ayaa sheegay in aan wali la isku xiriirin.
Marka la helo Internet xawaarihisu sarreeyo, ayuu Kinyua waxa uu sheegay in xukuumaddu dhaqan-galin doonto qorshayaal ku shaqeeya elektarooniga sida caafimaadka, bangiyada iyo waxbarashada, si lo xoojiyo koboca dhaqaalaha.
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray xildhibaanka laga soo doorto Iringa Peter Msigwa iyo 60 gnacsade a...
Maxkamad ku taal Boosaaso ayaa dambi ku heshay dabadeedna ganaaxday 78 Iraaniyiin ah Axaddii (19-...
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray15 tuhmane oo lala xiriiriyay dabkii habeeynimadii Jimcaha la qabad...
Kormeeraha Guud ee Bilayska Kenya David Kimaiyo ayaa tirtiray xilkii taliyayaasha bilayska goboll...
Rag hubeeysan ayaa Axaddii (19-kii Maajo) dilay laba qof afar kalena ku dhaawacay weerarro kala d...
Shir la doonayo in looga arrinsado fursadaha saliidda iyo gaaska, maal-gashiga, amniga, iyo kaaba...
Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland ayaa Axaddii (19-kii Maajo) waxa ay tababar soco...
In kabadan 1 milyan oo Soomaali ah ayaa baaqi ku sii ahaan doona "cunno yari" illaa iyo September...
Ergo ka socota Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa booqday madax ku kala sugan Muqdisho iyo K...
Nin argaggixisonimo looga shakiyay iyo xaaskiisa ayaa toogasho lagu dilay lix askari oo bilayska ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo