Hoggaamiyayaasha Muslimiinta Kenya oo dalbaday in isbeddel lagu sameeyo sharciga la dagaallanka arggaggaxisada

Juunyo 29, 2012

  • 1 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Daladda Isutagga Ururada Muslimiinta Kenya ayaa dalbaday in isbedello dhowr ah lagu sameeyo sharciga la dagaalanka arggaggaxisada ee 2012-ka kahor inta aanan saxiix lagu dhaqan-galin, Capital FM-ta Kenya ayaa warisay Khamiisti (28-di Juun).

Hoggaamiyayaasha ayaa sheegaya in ay doonayaan in ay Muslimiinta ka difaacaan faquuqid iyo faduul, islamarkaana ay xaqiijiyaan in ciidamada ammaanka aannay dadka ku dhibaatayn iyagoo ku andacoonaya in ay la dagaalaamayaan arggaggaxisada.

“Ficil walba oo cabsi-galinaya shacabka ama qeyb kamid ah shacabka waxaaa loo tixgalinayaa arggaggaxiso, aragtideena waxa ay tahay in qeexiddaa mar kale lagu laabto si loogu daro ficilo xaddidadan,” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Muslimiintaa Kenya, Fazul Maxamed oo ka hadlayay wasaaradda amniga gudaha.

Hogaamiyayaasha Muslimiinta ayaa sidoo kale doonaya in sharciga uu dammaanad qaad buuxa siiyo, xuquuqul-insaanka dadka looga shakiyo arggaggaxisonimo ee dalka. “Tuhmanayaasha waa in dammaanad loo siiyaa in ay helaan qarreenno, oo aan lagu xadgudbin xuquudooda asaasiga ah,” ayu yiri Maxamed.

Hadalka Maxamed ayaa kahor imanaya hadal uu Isniinti jeediyay gudoomiyaha dalladda Athman Mponda oo uu ku sheegay in sharciga uu soo maray ururka islamarkana uu si buuxda u taageersanyahay.

Xog-hayaha joogtada ee wasaaradda amniga gudaha, Mutea Iringo ayaa ka garaabay dareenkooda, balse waxa uu sheegay in dastuurka Kenya uu kal horeba qeexay qaar kamid ah, sida la macaamilka tuhmanayaasha ee xabsiyada. Sharciga cusub ayaa tilmaamaya in tuhmanayaasha aannay bilaysku si xun ula dhaqmi karin oo aan wax kabadan 24 saac xabsi lagu hayn karin.

Sharciga ayaa sidoo kae qeexaya in qof alla qofkii lagu helo in uu gaystay dambi arggaggaxisanimo oo dhibaato gaysta uu mudan doono xabsi daa’in.

Sharciga la dagaalanka arggaggaaxisada ayaa maarki ugu horaysay lasoo saaray 2003-dii, balse laga laabtay marki dambe kadib markii qaar kamid ah hoggaamiyayaasha Muslimiinta ay dhalleeceeyeen.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 5)

Dislike_icon(3)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • yusuf abdallah
    August 27, 2012 @ 06:23:08AM

    Mooshinka waxaa keenay in dib looga noqdo cadaadis ka yimid kooxo kala duwan oo Kenya jooga. In la sheego muslimiinta oo kaliya waa arrin majara habawsan. Dustuurka cusub ee la ansixiyay waxaa ku jira dhamaan xeerarka loo baahanyahay in lagula dagaalamo falal dambiyeedyada, markaa maaha inaynu xeerar cusub soo saarno, kuwaasoo laga dhigayo in argagixisada loola jeedo. Waxa loo baahanyahay in la sameeyaa waa in la abuuro gudi ama koox iyadu ka shaqaysa arrimaha argagixisada, si dustuurku uu u dhaqan galo.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada