Ciidamada Soomaaliya oo qarax lagula eegtay Balcad

Juunyo 29, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Qarax ayaa Jimcadi (29-kii Juun) ka dhacay maqaaxi ay ku sugnaayeen ciidamada Soomaalia iyo saaraakiil magaalada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, Shabakadda Wararka Shabelle ee Soomaaliya ayaa warisay.

Sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Maxamed Jiinoow, ma jirto cid ku wax yeellowday qaraxa, inkastoo dad goob-joogayaal ahi ay sheegayaan in dhowr qof ay ku dhinteen weerarka, Shabakadda ayaa warisay.

Jiinoow ayaa ka dalbaday dadka deegaanka in ay la shaqeeyaan ciidaamada ammaanka, si loo xaiijiyo amniga iyo dagganaashiyaha aagga.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ayaa Balcad al-Shabaab ka qabsaday todobaadkan iyagoon la kulmin wax iska caabbin ah.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada

Macluumaad