Juunyo 29, 2012
Ragg hubasan ayaa ugu yaraan hal qof ku dilay xeradaa Dhadhaab oo ku taala meel u dhow xudduudda ay Kenya la wadaagto Soomaaliya, islamarkaana af-duubay afar kale jimcadi (29-kii Juun), AFP ayaa warisay.
“Afar shaqaale gargaar oo ajanabi ah iyo dareewalkooda oo ay u badan tahay in uu Keenyaan ahaa ayaa la af-duubay,” ku-xigeenka taliya bilayska gobolka Waqooyi Bari Philip Ndolo ayaa AFP u sheegay
“Dadka la qafaashay ayaa u kala dhashay dalalka Canada, Norway, Pakistan iyo Philippines,” ayuu yiri
Bilayska ayaa ku daba jira af-duubayaasha, oo la haystayaasha ku kaxaystay gaarigooda.
Saraakiil caafimaad oo ka tirsan hay’adda gargaarka ee dowladda Jarmalka (GIZ) ayaa sheegay in dareewal ka tirsanaa Golaha Qaxootiga Norway (NRC) uu geeriyooday, halka laba kalena ay ka dhaawacmeen intii uu weerarku socday kaasoo ka dhacay agagaarka xerada qaxootiga Ifo2 abbaaraha duhurnimadii.
“Xubin ka tirsan shaqaalaha NRC ayaa geeriyooday, laba kalena waa ay dhaawacmeen,” ayuu yiri Faysal Cabdulaahi oo ah sarkaal caafimaad oo ka tirsan GIZ.
Af-duubkan ayaa ahaa kii ugu dambeeyay sisilado weeraro ah oo lagu soo qaaday xerada Dhadhaab, oo ah meesha ay rag hubaysani ka af-duubteen labada shaqaale oo Isbaanish ah oo u shaqaynayay hay’adda dhaqaatiirta aan xudduudda lahayn. Shaqaalahaasi ayaa wali lagu haystaa gudaha Soomaaliya.
Xerada Dhadhaab ayaa ah xerada ugu weyn dunida, waxaanna daggan in ka badan 465,000 oo qof qiyaastii la sameeyay dhammaadki bishii May.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
Shan qof ayaa la dilay afar kalena way ku dhaawacantay laba weerar oo ka dhacay gobolka waqooyi-b...
Sababta ugu wayn ee colaadihii ay ku dhinteen in kabadan 150 qof ee sannadkii hore ka dhacay Tana...
Ururka Caafimaadka Adduuna (WHO) ayaa shaaciyay in cudurka dabaysha uu ka dillaacay Geeska Afrika...
Ciidamada Soomaaliya ayaa xiray xiray shirkadihii isgaarsiinta iyo ganacsiyo kale oo ku yaal Bele...
Xukuumadda Soomaaliya ayaa bilaabi doonta in ay maamuullo goboleedyo ka dhisto goobaha dhawaan la...
Wasiirka Tamarta Jabuuti Cali Yacquub Maxamuud iyo danjiraha Japan u fadhiya Jabuuti Atsushi Nish...
Furitaanka Shirka Bixiyayaasha Saliidda iyo Gaaska Tansaaniya ayaa lagu qaban doonaa Daarusalaam ...
Xildhibaanada waxay dib uga noqdeen mooshinkii ka dhanka ahaa Ra'iisul-wasaare Cabdi Faarax Shird...
Madaxweynaha maamul-goboleedka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Talaadadii (21-kii Maajo) ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
gaalada alshabaab oo jab gaaray alaah akbar