Juunyo 25, 2012
Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay (UNHCR) ayaa Tansaaniya ku ammaantay sida ay gabbaad u siisay qaxootiga ka soo jeeda gobolka iyo sida ay uga shaqeeyso arrimaha nabadda iyo xasilloonida, sidaana waxaa isniintii (25-ka June) qoray The Guardian-ka Tansaaniya.
Qaabka ku dhisan firfircoonaanta ee ay wax uga qabato dhibaatooyinka ay keenaan qaxootigu waxa uu gacan ka gaystay in ay hoos-u-dhacdo tirada qaxootiga ku nool Tansaaniyo oo ay gaarto 134,940 iyada oo 500,000-na ay ku noqdeen guryahoodii sidaana waxa sheegay sii hayaha xafiiska ay UNCHR ku leedahay Tansaaniya Chansa Kapya oo ka hadlayay xaflad lagu maamuusayay Maalinta Qaxootiga Adduunka oo ka dhacay Darusalaam todobaadkii hore.
Kapaya ayaa ku ammaanay go'aankii ay dowladda sanadkii 2010-ki ku nafaqeysay 162,000 oo qaxooti reer Burundi ah kuwaasoo Tansaaniya dagganaa kudhowaan 40 sano.
Xiriiriyaha xafiisyada Qaramada Midoobay ee Tansaaniya Albert Kacou ayaa xoogga saaray ahamiyadda ay leedahay in waddamadu magan-galyo u fidiyaan dadka soo barakaca sida Tansaaniya oo kale.
"Mas'uuliyadda ah in gargaar loo noqdo qaxootiga waa mid la wadaago, kaliya ma ahan in ay lagama maarmaan tahay, laakiin sidoo kale waa waxa ugu saxsan ee la qabto." ayuu yiri. “Waa in aannu isku kaashannaa sidii aan u dumi lahayn rabitaanka siyaasadeed iyo kan hoggaamineed ee ku aaddan sidii looga hortagi lahaa loona dhamayn lahaa colaadaha oo iyagu dhaliya qaxootiga."
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray in ka badan 90 qof kadibmaalin muddaaharaad qof ku dhintay uu ka d...
Kenya ayaa ka codsatay Golaha Ammaanka ee QM Khamiistii (23-kii May) in uu joojiyo dacawadda ay w...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay xaflad ka dhacday Muqdisho Khamiis...
Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee waddamada xubnaha ka ah Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa is...
Hoggaamiye bulsheedka Maxamed Omar Said ayaa Khamiistii (23-kii May) waxa lagu weeraray aashito h...
Maxakamad ku taal Puntland ayaa todoba qof ku xukuntay dil taas oo ay ku mutaysteen dilkii wadaad...
Hay'adda gargaarka caalamiga ah ee Global Partnership for Education (GPE) ayaa ku dhawaaqday deeq...
Hay'adda ilaalinta xuquqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu yeertay Kenya in ay ixtiraa...
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa ballan-qaaday in Xeerka cusub ee Duur-joogta lagu ...
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo