Juunyo 25, 2012
Mas’uuliyiinta ku sugan Afgooye ayaa sheegay in bandoowgii saarnaa degaanka Afgooye tan iyo markii magaalada la xoreeyay bishii hore uu noqday mid mira-dhal ah, sidaana waxa Axaddii (24-kii June) sheegay raadiyaha ay maamusho dawladda ee Radio Muqdisho.
Taliyaha Bilayska Afgooye Ibraahim Diini Isaaq ayaa sheegay in xaaladda magaaladu ay si wayn uga soo raysay, sababtoo ah bandowga lagu soo rogay, kaasoo ay asalkiisiiba soo rogiddiisa ku taliyeen odayaasha magaalada. Bandowga habeeynimo ayaa dhaqan-gal ah laga bilaabo 6:15 maqribnimo illaa 5:15-ka arroornimo.
Isaaq waxa uu Radiyo Muqdisho u sheegay in ciidamada ammaanku ay howl-galladooda ku fidiyeen goobo ka baxsan Afgooye, taasoo qayb ka noqotay wanaajinta ammaanka aagga.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
Shan qof ayaa la dilay afar kalena way ku dhaawacantay laba weerar oo ka dhacay gobolka waqooyi-b...
Sababta ugu wayn ee colaadihii ay ku dhinteen in kabadan 150 qof ee sannadkii hore ka dhacay Tana...
Ururka Caafimaadka Adduuna (WHO) ayaa shaaciyay in cudurka dabaysha uu ka dillaacay Geeska Afrika...
Ciidamada Soomaaliya ayaa xiray xiray shirkadihii isgaarsiinta iyo ganacsiyo kale oo ku yaal Bele...
Xukuumadda Soomaaliya ayaa bilaabi doonta in ay maamuullo goboleedyo ka dhisto goobaha dhawaan la...
Wasiirka Tamarta Jabuuti Cali Yacquub Maxamuud iyo danjiraha Japan u fadhiya Jabuuti Atsushi Nish...
Furitaanka Shirka Bixiyayaasha Saliidda iyo Gaaska Tansaaniya ayaa lagu qaban doonaa Daarusalaam ...
Xildhibaanada waxay dib uga noqdeen mooshinkii ka dhanka ahaa Ra'iisul-wasaare Cabdi Faarax Shird...
Madaxweynaha maamul-goboleedka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Talaadadii (21-kii Maajo) ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Soo rogista bandoodu waa talaabo arbush ku ridi karta hawlgalada kooxaha argagixisada ah. kooxahaasi waxay igu khasbeen inaan dalkayga kasoo cararo, waxaanan aad u rajaynayaa inaan awood dhawaan inaan dalkayga ku laabto, dadka soomaaliyeedna khayr ayaan u rajaynayaa. Anigoo ah walaalkiin khaalid soomaali, oo ku nool dalka Jordan.