Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya oo diiday codsi ay odayaasha dhaqanku ku doonayeen in lagu ballaariyo barlamaanka

Juunyo 25, 2012

  • 1 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Ra’iiusl-wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali ayaa diiday soo jeedin katimi odayaasha dhaqanka kaas oo ay ku doonayeen in 50 kursi oo dheeraad ah lagu daro barlamaanka Soomaaliya.

Koox wakiil ka ah odayaasha dhaqanka ee loo xilsaaray in ay soo xulaan xubnaha barlamaanka ka hor inta ayan dhammaan sharciyadda dawladda ku-meel-gaarka ah bisha August ayaa soo jeediyay in tirada kuraasta barlamaanka la gaarsiiyo 275.

“Tirada kuraasta barlamaanka uma baahna in wax laga baddalo sababtuna waxa weeye hoggaamiyayaashu shirar badan ayay arrinkan ka yeesheen waxayna isku raaceen in tirada kuraastu noqoto 225,” ayuu yiri Cali isaga oo warbixin saxaafadda ku siinaya Muqdisho Sabtidii (23-kii June). Dastuurka qabyo-qoraalka odeyaasha awood uma siinayo in ay wax ka badalaan tirada baarlamaanka, ayuu yiri.

Hoggaamiyayaasha Soomaaliya ayaa Jimcihii waxa ay meel-mariyeen dastuurka qabyada ah kaas oo 12-ka July la hor-geeyn doono Golaha Degaannada Qaranka si ay u ansixiyaan.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • محمد نور الدين
    June 26, 2012 @ 01:02:30PM

    Xalka sida ugu toosan looga gaadhi karo mushkilad kasta oo in hortimaada waa iyadoo mushkiladaas si cad looga doodo. Aniga waxay ila tahay in soomaaliya ay si kolba sii kordhaysa ay meel dagan oo xasiloon u noqonayso, arrinkaasina waa arrin yididiilo leh.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada