Juunyo 25, 2012
Weerar loo adeegaday bombada gacanta laga tuuro ayaa Axaddii (24-kii June) lagu qaaday maqaaxi lagu caweeyo oo ku taal magaalada xeebta leh ee Mombaasa ayaa dilay saddex qof 30 kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen Laanqayrta Cas ee Kenya iyo saraakiisha bilayska.
Dadka dhaawacmay yaa la geeyay isbitaal goobta ka ag-dhawaa halka bilayska iyo waaxda bilayska ee la dagaallanka argagixisada iyo baaridda dambiyadu ay xireen goobtii si ay u sameeyaan baaritaan, sidaana waxa qoray Daily Nation-ta Kenya.
Qaraxa ayaa ka dhacay baarka Jericho Beer Garden ee ku yaalla degmada Mishomoroni ee aadka ciriiriga u ah, halkaa oo dadka xiiseeya ciyaarta kubadda cagtu ay ku daawanayeen ciyaar dhex maraysay xulalka qaranka waddamada Ingiriiska iyo Talyaaniga, ciyaarahaa oo qayb ka ah tartanka maraya heerka siddeed dhamaadka ee Qaramada Qaaradda Yurub 2012-ka, ayay ku warrantay AFP.
“Laba ka mida dadkii dhaawaca ahaa ayaa ku dhintay Isbitaalka. Midina waxa uu markiiba ku dhintay goobtii uu qaruxu ka dhacay,” ayuu yiri af-hayeenka Ururka Laanqayrta Cas ee Kenya Nelly Muluka.
Taliyaha Bilayska Gobolka Aggrey Adoli ayaa sheegay in mid ka mida dadkii dhaawacmay la qabtay iyada oo lagu tuhunsanyahay qaraxa. “Mid ka mida dadka dhaawacmay ayaa na caawinaya sababtoo ah waxa uu noo sheegayaa hadallo is burinaya,” ayuu yiri.
Ma jirto wali cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka.
Kenya ayaa waxa lagu qaaday dhowr weerar arggaggixiso ah tan iyo markii ay sannadkii hore weerarka millatari ku kicisay al-Shabaabta ka dagaallanta waddanka dariska ah ee Soomaaliya, weeraraadana waxa ka mid ahaa mid bishii May lagu qaaday makhaayad laga cunteeyo oo ku taal Mombasa.
Qaraxa dhacay Axaddii ayaa soo baxay maalin kadib markii ay dawladda Mayarakanku ka digtay “khatar weerar argagixiso oo ku soo fool leh Mombasa”. Safaaradda Faransiiska ee Nairobi ayaa sidoo kale muwaadiniinteeda uga digtay in ay “si wayn u taxaddaraan” marka ay joogaan Mombasa iyo aagagga ka ag-dhow.
Digniinaha ayaa soo baxay kadib markii ay bilayska Kenya sheegeen in ay Arbacadii iyo Khamiistii qabteen laba qof oo u dhashay Iran kuwaa oo lala xiriiriyay in ay maleegayeen weerarro loo isticmaalo bambaanooyin oo ka dhaca Mombasa iyo Nairobi, sida ay sheegtay AFP.
Madaxa Waaxda Baarista Dambiyada Ambrose Munyasia ayaa sheegay in bilayska ku sugan gobolka Xeebta ay ku jireen “heegan sare”.
“Waxannu qaadaynaa tallaabo kasta oo aannu ku sugi karno dadka ku nool Xeebta,” ayuu yiri Sabtidii. “Waxannu dardar-galinay ammaankii laakiin waxaan dadwaynaha ku dhiiri-galinaynaa in ay si dhow noola shaqeeyaan oo ay noo soo gudbiyaan xogta ay hayaan.”
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray in ka badan 90 qof kadibmaalin muddaaharaad qof ku dhintay uu ka d...
Kenya ayaa ka codsatay Golaha Ammaanka ee QM Khamiistii (23-kii May) in uu joojiyo dacawadda ay w...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay xaflad ka dhacday Muqdisho Khamiis...
Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee waddamada xubnaha ka ah Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa is...
Hoggaamiye bulsheedka Maxamed Omar Said ayaa Khamiistii (23-kii May) waxa lagu weeraray aashito h...
Maxakamad ku taal Puntland ayaa todoba qof ku xukuntay dil taas oo ay ku mutaysteen dilkii wadaad...
Hay'adda gargaarka caalamiga ah ee Global Partnership for Education (GPE) ayaa ku dhawaaqday deeq...
Hay'adda ilaalinta xuquqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu yeertay Kenya in ay ixtiraa...
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa ballan-qaaday in Xeerka cusub ee Duur-joogta lagu ...
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
waa jeclahay
ilaahayoow ilaa goorma ayay dambiilayaashani dadka weerar ku ahaan doonaan!!! Ilaahay isagaa dadka caawin doona, argagixisadana dadku way ka adkaan doonaan oo waa hubaal taasi, wakhti uunbaana inaga xiga.
NSIS gabigeeduba way hurudaa. Sideebay ku dhacday in digniinta ay dad shisheeye soo diraan halka ay NSIS-tu aysan haynin wax macluumaad ah, kadibna uu weerarku u dhaco sidii loo saadaaliyay hadaysan hurdo ku jirin?