Ciidamada AMISOM oo al-Shabaab ka qabsaday dekad iyo geggi diyaaradeed

Juunyo 24, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa Sabtidii (23-kii June) shaaca ka qaaday in ciidamadoodu al-Shabaab ay ka qabsadeen dekedda istaraatiijiga ah ee Ceel-Macaan iyo gegida diyaaradeed ee Cisaleey oo ka ag dhow.

Dekadda iyo garoonka, oo dhaca meel ku dhawaad 40 kilomitir u jirta waqooyiga Muqdisho, kana tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa waxa ay al-Shabaab u ahayd xarun istaraatiiji ah oo ay kala soo dagaan hubka iyo waliba meel ay isaga gooshaan dagaalyahannada ka sii baxaya ama soo galaya dalka. Al-Shabaab ayaa qabsaday garoon-yarahaas sannadkii 2006-dii, iyada oo sidaana degaanka kaga xannibtay soo galintaankii hay’adaha gargaarka bini’aadannimada.

“Weerarkii guusha ku dhamaaday, ee ay qaadeen ciidamadeennu, waxa uu noo suura-galiyay in aan ku hantino albaab aad iyo aad istaraatiiji ugu ah Muqdisho,” ayuu yiri Sareeye Guud Andrew Gutti, taliyaha Ciidamada AMISOM. “Tan iyo markii la oggolaaday in awoodda ciidamada la gaarsiiyo 17,731, ciidamada AMISOM waxa ay dar-dar galiyeen waajibkoodii horyaallay ee ahaa in ay dhammaan qaybaha Soomaaliya ku soo celiyaan nabad iyo xasillooni.”

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 16)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada