Juunyo 21, 2012
Dameer-farowga naadirka ah ee loo yaqaan Grevy, ayaa tiro ahaan hoos u soo dhacaya sababtoo ah sida loogu tartamayo dhulka daaqsinta loo isticmaalo, sidaana waxa Khamiistii (21-kii June) sheegay AFP-a.
Khasaaraha dhuleed ee ku yimid xayaawaankan ayaa waxa sababay arrimo ay ka mid yihiin kororka dadka, ugaarsiga iyo cuduro ka soo reebay noocan ka mida dameer-farowga wax ka yar 2,500, iyaga oo dhammaadkii sannadihii 1970-tameeyadii ahaa 15,000.
Xirmada Beesha West Gate ee ku yaalla dhul-daaqsinta Naibelibeli-da Kenya ayaa mar ka mida xilliyada waxa ku noolaa 500 oo dameer-farowga Grevy ga ah, laakiin booqasho ay dhawaan sameeyeen khubaro dhinaca duur-joogta ah ayaa soo ogaaday in halkaa ku noolyihiin kaliya shan xabo.
“Dadkii ayaa meel walba dagay oo meel walbana caws ka beertay,” ayuu yiri Peter Lalampaa, oo ka soo jeeda qabiilka Samburu isla markaana maamulo sare ka ah Hanti-dhowrka Dameer-farowga Grevy, oo isagu booqday West Gate. “Dugsiyadii ayaa halkan ballaaranaya halka xoolo-dhaqatidii hadba meel u guuri jirtayna ay dagayaan, marka daaqsigii ayaa waxa uu noqday mushkilad.”
Xildhibaanada waxay dib uga noqdeen mooshinkii ka dhanka ahaa Ra'iisul-wasaare Cabdi Faarax Shird...
Madaxweynaha maamul-goboleedka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Talaadadii (21-kii Maajo) ...
Iska-daba-wareegga badan ee xafiiseed iyo kati xumida ka jirta dekedda Daarusalaam ayaa ugu kacda...
Madaxda Maamul-goboleedka Puntland ayaa Talaadadii (21-kii Maajo) u kulmay si ay u dhiirrio galiy...
Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa xiray in ka ba...
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa iskaashiga istaraatiijiyadeed kala sheekaystay G...
Madaxwynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ciidamada ammaanka iyo garsoorkuba waa in ay si rasmi ah uga qo...
Ra'iisul-wasaaraha Jabuuti Cabdulqaadir Kaamil Maxamed ayaa ku baaqay in kor loo qaado iskaashiga...
Xildhibaano Soomaali ah ayaa ka noqday mooshin ay ku codsadeen in ra'iisul-wasaaraha iyo xukuumad...
Xildhibaanada mucaaradka ah ee barlamaanka ayaa xukuumadda ku eedeeyay in ay cabburisay xoriyadda...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Anigu waxaan qabaa inaysan jirin nolol ka wacan daganaanshaha iyo shaqada ay dadku u heli karaan inay beeralay noqdaan. Sidoo kale, faa’ido wayn ayaa la heli karaa haddii aynu ku guulaysano inay xooladhaqatadu u wareegaan beeraha, oo ay dhulka falaan isla markaana ay xoolaha dhaqdaan. Hadaba sidani waa sida aan rajaynayno, sabatoo ah talaabadani waa talaabo wacan, isla markaana dhaqaalaha heerkiisa dardar galin karta. Hadaba si looga midho dhaliyo talaabadan, xukuumaddu waa inay taageertaa oo ay dhiirigalisaa beeralayda, waana inay ka haqab tirtaa dhamaan baahiyohooda, oo ay dareensiisaa inay ku hawlan tahay daryeelista iyaga iyo dhulkoodaba, diyaarna u tahay inay u fidiso qalabka ay u baahanyihiin, una soo iibiso midhaha. Dhanka kale, waa in xukuumaddu ay wax ka qabataa mashaakilka kale ee beeralayda dhawaan soo food saaray.
Waxaa idinla gudboon inaad sawiro soo raacisaan qoraalada aad soo daabacdaan