Qaramada Midoobay oo ay ka go’antahay caawinta qaxootiga Soomaaliyeed

Juunyo 21, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Hay’adda Qaramada Midoobay ee Qaxootiga (UNHCR) ayaa waxa wali ka go’an in ay gargaar u fidiso qaxootiga ka yimid Soomaaliya, sidaana waxa Arbacadii (20-kii June) u sheegay Kulmiye News-ka Soomaaliya, afhayeenka UNHCR Adrian Edwards.

Edwards waxa uu sheegay in UNHCR sii wadi doonto in ay u adeegto qaxootiga Soomaalida ah ee ku sugan Kenya, Ugandh, Itoobiya, Jabuuti iyo Masar.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa Arbacadii hoosta ka xariiqay xaaladda daran ee haysata qaxootiga Soomaaliyeed, maalintaa oo ah Maalinta Qaxootiga Adduunka, isaga oo sheegay in xerada qaxootiga ee Dhadhaab ee Kenya ay noqotay magaalada saddexaad ee ugu wayn dalkaas, iyada oo marti-galisa in ka badan 500,000 oo qaxooti Soomaaliyeed ah. Dalaka marti-galiya qaxootiga “loogama tagi karo culayska kaligood in ay garbaha u ritaan”, ayuu yiri.

“Waa in aannu iska kaashannaa sidii aan isugu dubbaridi lahayn rabitaanka siyaasadeed iyo hoggaamineed si looga hortago isla markaana loo dhameeyo colaadaha asalkaba dhaliya in ay sii socoto qaxootinimadu,” ayuu yiri Ban. “Halkii ammaanka laga sugaba, waxaa nagu waajib ah in aan wax ka qabanno sababaha asaasiga ah ee dhaliya colaadaha, taaso oggolaanaysa in qaxootigu ay si abaddi ah dib ugu noqdaan si ay u helaan nolol-maalmeedkoodii, adeegyadii iyo talintii sharciga.”

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 1)

Dislike_icon(1)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada

Macluumaad