Markab laga leeyahay Holand oo dhameeystay waajibkiisii la dagaalanka burcad-badeednimada

Juunyo 18, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Markabka Ciidamada Badda ee Holand Van Amstel ayaa ku noqday dalkiisa kadib markii uu saddex bilood xeebaha Soomaaliya ka waday waajibaad khuseeya la dagaallanka burcad-badeednimada, sidaana waxa Axaddii (17-kii June) sheegay Radio Netherlands.

Markabka ayaa u shiraacday dekaddiisa Den Helder, kadib markii uu ilaalo ka qabtay maraakiibta caalamiga ah ee ku goosha meelaha ka ag dhow biyaha Soomaaliya, isla markaana uu ka qayb-qaatay galbinta shixnadaha cunnada gargaarka Qaramada Midoobay ee ku socda Soomaaliya. Markabka iyo shaqaalihiisa gaaraya 190 ayaa ka hoos-shaqeeynayay howl-galka Midowga Yurub ee Atalanta si looga hortago loolana dagaallamo howlaha burcad-badeednimo.

Bishii hore, saraakiisha markabkaas ayaa qabtay 11 qof oo looga shakiyay burcad-badeednimo isla markaana soo furtay 17 qof oo afdbuub loo haystay. Burcad-badeedda la qabtay ayaa lagu wareejiyay dowladda Seychelles si maxkamad loo soo taago.

Markaba kale oo laga leeyahay Holand laguna magacaabo HMS Eversten, ayaa baddali doona Van Amstel markaabkaa oo ka mid ahaan doona howl-galka ilaa 1-da bisha September.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 1)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada