Tansaaniya oo daboolka ka qaadday miisaaniyadda 2012-2013

Juunyo 15, 2012

  • 1 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Wasiirka Maaliyadda ee Tansaaniya William Mgimwa ayaa Khamiistii (14-ka June) daboolka ka qaaday miisaaniyadda Tansaaniya ee 2012-2013, waxaanu sheegay in looga gol leeyahay in wax looga qabto sicir bararka, cunto yaraanta iyo shaqo la’aanta.

Miisaaniyadda 15-ka tirilyan ee shilin oo u dhiganta 9.5-bilyanoo doolar ayaa bartilmaameedsanaysa koboc sanadeed 6.8 boqolkiiba ah waxaanu sharxayaa tallaabooyin lagu dardargelinayo dhalinta korantada, horumarinta kaabayaasha, canshuur uuruurin la xoojiyey iyo xakamayn dheeraad ah oo lagu samaynayo kharaj-garaynta hantida bulshada, Daily News-ta Tansaaniya ayaa werisay.

Dawladda ayaa waxay sidoo kale ku dhawaaqday qorsheyaal ay kula shuraakoobayso waaxda gaarka loo leeyahay si loo maal-geliyo beerashada bariiska iyo sokorta si loo sameeyo bar lagu xakameeyo cunto yarida. “Dawladdu waxay qorshaynaysaa in ay damaanad qaaddo cunto helid sugan iyadoo soo saaraysa dalagyada cuntada,” ayuu yiri Mgiwma.

Dawladda ayaa qorshaynaysa in ay miisaaniyadda cusub ku shaqaalaysato in ka badan 71,000 oo reer Tansaaniya ah, iyadoo waddooyinka, korantada, beeraha, war-is-gaarsiinta iyo kaabayaashaba hagaajinaysa, dhallintana siinaysa fursado ay ku galaangalaan adeegyada dhaqaalaha.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 1)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • staford Harold Chamgeni
    June 16, 2012 @ 08:07:51AM

    Haddii aan aniga ahay, waxaan jeclaan lahaa in arrimuhu siday u kala muhiimsan yihiin miisaaniyada wax looga qoondeeyo sanad kasta. Inkastoo kaabayaasha dhaqaale qaar ka mid ahi ay waxoogaa saamayn ahi soo gaadhi doonto, laakiin haddana kaabayaal kale oo muhiim u ah bulshada ayaa dhamaystirmi doona, walwalkaas soo noq noqonayanna uu meesha ka bixi doono. Qaybaha dhaqaale ee ay tahay in mudnaanta la siiyo waxa ka mid ah biyaha, korontada, beeraha, wadooyinka, iwm. Waana inaynu ogsoonaanaa in waxsoosaarka beeruhu uu ku xidhanyahay kolba siduu roobku u jiro.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma haboontahay in la badalo dastuurka Kenya si aqalka Guurtida awood dheeraad ah loo siiyo?

Fiirso natiijada