Juunyo 15, 2012
Hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed waa in ay isticmaalaan heellanaanta uu abuuray hannaanka nabadda ee socda oo ay horay u sii riixaan isbeddellada siyaasadeed, ayuu war-murtiyeed Khamiistii (14-kii June) ku yiri Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Guddoonka Guddida Midowga Afrika, Wafula Wamunyinyi.
Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay ku jirto marxalad xasaasi ah, isla markaana guulaha milliteri ee dhawaan laga gaarey al-Shabaab aanay kelidood nabad iyo degganaasho ka keeni karin waddanka.
"Marka aannu u sii dhawaanno dhamaadka waqtiga Kumeel-gaarnimada ah, waxaa jiri doono hawlo siyaasadeed oo cirka ku shareeran, waxaanan jeclaan lahaa in aan mar kale ku celiyo baaqyadii aan dadka ay arrintu ka go’do horay ugu baaqay in ay ka dheeraadaan falalka iyo oraahyada wax u dhimi kara horumarrada siyaasadeed ee socda iyo waaga cusub ee nabadeed ee haatan Muqdisho looga raaxaysanayo iyo meelo badan oo dalka ka mid ah,” ayuu yiri.
Wamunyinyi ayaa tibaaxay sida uu u taageersan yahay in Dowladda Federaalka Kumeel-gaarka ahi ay ka baxdo xilliga Kumeel-gaarnimada ah waxaanu ka digey in AMISOM iyo beesha caalamkaba aanay cidna ka yeeli doonin in ay horumarka siyaasadeed curyaamiso.
Xildhibaanada waxay dib uga noqdeen mooshinkii ka dhanka ahaa Ra'iisul-wasaare Cabdi Faarax Shird...
Madaxweynaha maamul-goboleedka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Talaadadii (21-kii Maajo) ...
Iska-daba-wareegga badan ee xafiiseed iyo kati xumida ka jirta dekedda Daarusalaam ayaa ugu kacda...
Madaxda Maamul-goboleedka Puntland ayaa Talaadadii (21-kii Maajo) u kulmay si ay u dhiirrio galiy...
Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa xiray in ka ba...
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa iskaashiga istaraatiijiyadeed kala sheekaystay G...
Madaxwynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ciidamada ammaanka iyo garsoorkuba waa in ay si rasmi ah uga qo...
Ra'iisul-wasaaraha Jabuuti Cabdulqaadir Kaamil Maxamed ayaa ku baaqay in kor loo qaado iskaashiga...
Xildhibaano Soomaali ah ayaa ka noqday mooshin ay ku codsadeen in ra'iisul-wasaaraha iyo xukuumad...
Xildhibaanada mucaaradka ah ee barlamaanka ayaa xukuumadda ku eedeeyay in ay cabburisay xoriyadda...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo