Juunyo 14, 2012
Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali ayaa Kenya uga mahadceliyay Arbacadii (13-kii June) doorkeeda ku aaddan sidii Soomaaliya loogu soo celin lahaa nabaddii, sidaana waxa sheegtay Capital FM-ta Kenya.
Cali ayaa mar uu kulan la lahaa Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki, waxa uu uga xog-warramay Qorshaha Nabadda isaga oo sheegay in uu rumaysanyahay in ay Soomaaliya cagta saartay waddadii xasilloonida. Ra’iisul-wasaaraha waxa kale oo uu ammaanay kana mahadnaqay sida ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya loo hoos geeyay taliska AMISOM.
Kibaki waxa uu sheegay in ay jirto baahi loo qabo xoojinta hay’adaha dawladda ee Soomaaliya, sida ciidanka, bilayska iyo garsoorka.
Kibaki iyo Cali ayaa sidoo kale ka wada hadlay qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Kenya, iyada oo hoggaamiyaha Kenya uu ku booriyay Cali in uu u soo dumo taageerada caalamka sidii qaxootiga loogu celin lahaa gobollada ammaankooda la sugay ee Soomaaliya.
“Waxannu rumaysannahay in meesha ugu fiican ee qaxootiga Soomaaliyeed dantu ugu jirto ay tahay dalkooda oo ay ku noqdaan gobollada dhawaan la xoreeyay,” ayuu yiri Kibaki.
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ballaariyo Howlg...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) waxa uu waraaqaha aq...
Ugu yaraan afar qof ayaa dhintay saddexna waa ay dhaawacantay Khamiistii (16-kii Maajo) markii xa...
Kenya iyo Tansaaniya ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) si wadajir ah soohdintooda uga fuliyay howlga...
Cartan Sheekhdoon oo ahaa xubin ka tirsan kooxda xukuumadda la jaalka ah ee Ahlu Sunna wal Jamaac...
Maleeyshiysaad looga shakisan yahay in ay ka yimaadeen Itoobiya ayaa Khamiitii (16-kii Maajo) wax...
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) waxa uu Wasiirkii ...
Tansaaniya iyo Canada ayaa wada saxiixday heshiis iskaashi oo loo asteeyay in kor loogu qaado isl...
Ciidamada Qaranka Soomaaliya ayaa dilay 13 dagaalyahaniinta al-Shabaab ah Talaadadii (14-kii Maaj...
Xilligii kama dambaysta ahaa ee loo qabtay dadka reer Mandheera in ay ku soo wareejiyaan hubka sh...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo