Juunyo 14, 2012
Bilayska Tansaaniya ayaa qabtay nin loo doondoonayay in uu ku lug lahaa weerar argagixiso oo burburiyay dukaamo ku yaalla bartamaha Nairobi bishii hore, sidaana waxaa sheegay mas’uuliyiinta labada waddan.
Bilayska Tansaaniya ayaa Arbacadii (13-kii June) waxa ay sheegeen in ninka la qabtay uu yahay Emrah Erdogan, oo 24-jir ah, oo haysta dhalashada Jarmalka balse asal ahaan ka soo jeeda Turkiga, kaasoo sida la sheegay Kenya ka soo galay dhinaca Soomaaliya biloowgii bishii May. Waxaa looga shakiyay in uu xiriir la leeyahay dhaq-dhaqaaqa al-Shabaab.
Taliye Ku-xigeenka Bilayska Tansaaniya Issaya Mungulu ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Darusalaam ka sheegay in Erdogan lagu qabtay caasimadda Isniintii, oo ay markaa su’aalo waydiiyeen dambi baarayaal ka kala socda Kenya, Tansaaniya, Jarmalka iyo Ugandha.
Hal qof ayaa ku dhintay in kabadan 30 kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax 28-kii May ka dhacay xarun laga dukaamaysto oo ku taal Waddada Moi. Bilayska Kenya ayaa faafiyay sawirka Erdogon maalin kadiba weerarka, waxayna codsadeen in la soo gaarsiiyo wixii macluumaad ah ee ku saabsan halka uu ku sugan yahay.
“Erdogan waa qof aannu ku raad-joognay, saraakiishayaduna waxannu u dirnay Tansaaniya in ay ka qayb-qaataan baarintaaka socda,” ayuu AFP-da u sheegay afhayeen ku-xigeenka bilayska Kenya Charles Owino.
Erdogan ayaa loo malaynayaa uu xiriir dhow la leeyahay Magd Najjar oo u dhashy dalka Switzerland kaasoo ay makxamad ku taal Kenya ku soo oogtay in uu xubin ka yahay al-Shabaab, sida uu sheegay Owino.
Bilayska ayaa degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee Muqdisho ku xirxiray boqollaal loo tuhmay in ay...
Shir soconaya saddex maalmood ayaa ka furmay Muqdisho Talaadadii (18-kii June), kaas oo isku keen...
Ciidamada dawladda Soomaaliya oo ay bari-taarayaan kuwa Howlgaka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AM...
Xogyaha Arrimaha Gudaha iyo Xiriirinta Xukuumadaha Qaranka Joseph Ole Lenku ayaa Isniintii (17-ki...
Dab qabsaday suuqa weyn ee Gaarisa ayaa burburiyay in ka badan 100 buqcadood habeeynimadii Isniin...
Xoghayaha Dawladda ee Midnimada Qaranka Jabuuti Zahra Yuusuf Kayad ayaa Isniintii (17-kii June) w...
Guddiga barlamaanka ee miisaaniyadda ayaa diiday qorshe xafiis cusub loogu iibinayo madaxweynihii...
Gubato ka kacday magaalada Balbala ee Jabuuti Axaddii (16-kii June), ayaa burburisay 11 guri iyad...
Sawirradii ay al-Shabaab ku soo bandhigtay barteeda Twitter-ka Axaddii (16-kii June) oo ay ka muu...
Bilayska Kenya ayaa Mombasa ku dilay Kassim Omolo Otieno oo looga shakiyay argaggixisannimo intii...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Intaanan faaladayda soo gudbin ka hor, waxaad ii sheegtaan bal waa maxay macnaha ka dambeeya in dambi-baadhe Jarmalka u dhashay arrinkan lasoo galiyo?