Juunyo 13, 2012
Golaha Qaxootiga Danmark oo loo soo gaabiyo (DRC) ayaa ballaarinaya barnaamijkeeda ku saabsan in dadka hela gargaarka bini’aadannimo ee jooga Soomaaliya ay talooyinka uga baxshaan adeegga loo fidiyo iyaga oo isticmaalaya farriimaha laga diro telefoonka gacanta, sidaana waxa Talaadadii (12-kii June) sheegay hay’adda.
DRC ayaa sidoo kale sheegtay in ay qorshaynayso in ay barnaamijka gaarsiiso dalal kale.
“Waxa ay noo tahay dhiiri-galin in aan si toos ah dadka uga helno ra’yigooda, kuwaa oo aan halkan u joogno sidii aan u caawin lahayn,” ayuu yiri Peter Klansoe, oo ah maamulaha goboleed ee DRC u jooga Geeska Afrika iyo Yemen. “Waxannu ogaannay in dadka la siiyo gargaarka ayan inta badan helin fursad ay ku cabbiraan ra’yigooda. Sidaa darteed, waxa naga go’an in aannu Soomaaliya ku baahinno isticmaalka farriimaha laga diro telefoonka gacanta oo aan isla markaana ku dabakhno dalal kale.”
Tan iyo 2011-kii, barnaamijka waxa laga fuliyay 31 tuulo iyo magaalo ku yaal waqooyiga iyo bariga Soomaaliya. Mashruuca ayaa hadda waxa uu soo gaaray Muqdisho, halkaa oo ay dadka deeqda helaayi ay soo dirayaan boqolaal farriimo ah, ayay sheegtay hay’addu.
DRC ayaa talooyin aan wax faafreeb ah lagu sameeyn oo ay ka heshay dadka waxa ay ku soo bandhigtaa bogga ay ku leedahay internetka iyo aaladaha kale ee ay bulshadu ku xiriirto.
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ballaariyo Howlg...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) waxa uu waraaqaha aq...
Ugu yaraan afar qof ayaa dhintay saddexna waa ay dhaawacantay Khamiistii (16-kii Maajo) markii xa...
Kenya iyo Tansaaniya ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) si wadajir ah soohdintooda uga fuliyay howlga...
Cartan Sheekhdoon oo ahaa xubin ka tirsan kooxda xukuumadda la jaalka ah ee Ahlu Sunna wal Jamaac...
Maleeyshiysaad looga shakisan yahay in ay ka yimaadeen Itoobiya ayaa Khamiitii (16-kii Maajo) wax...
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) waxa uu Wasiirkii ...
Tansaaniya iyo Canada ayaa wada saxiixday heshiis iskaashi oo loo asteeyay in kor loogu qaado isl...
Ciidamada Qaranka Soomaaliya ayaa dilay 13 dagaalyahaniinta al-Shabaab ah Talaadadii (14-kii Maaj...
Xilligii kama dambaysta ahaa ee loo qabtay dadka reer Mandheera in ay ku soo wareejiyaan hubka sh...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
khaddar nuur, burco, togdheer, Somalia. Waxaan ka mid ahay dadka ay hay’adda DRC gacanta siin jirtay mid ka mid ah, waxaanay iga bixin jirtay lacagta iskuulka, laakiin markii aan gaadhay fasalka 2aad ee dugsiga sare (Form Two), waxay iga jareen caawimadii. Anigu waxaan ka soo jeedaa qoys reer miyi ah, reerkayguna ma awoodaan inay lacagta iskuulka iga bixiyaan, sababtoo ah xayn yar oo riyo iyo ido ah ayay dhaqdaan. Imika waxaan dhigtaa dugsiga sare ee Sheekh, waxaanan marayaa hadda fasalka saddexaad Form Three, mana awoodo inaan sii wato waxbarashadayda anigoon helin caawimada hay’ada DRC, sidaa awgeed waxaan ururka ka codsanayaa in la i caawiyo.