Tansaaniya oo la dagaallamaysa warshadaha hawada wasakheeya

Juunyo 13, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Maamulka Tansaaniya ayaa bilaabaya daraasad ku saabsan saamaynta cimalo ee ay warshadaha waawayn keenaan, si ay markaa ganaax ugu soo rogto kuwa hawada wasakheeya, sidaana waxa Arbacadii (13-kii June) qoray wargayska Daily News ee ka soo baxa Tansaaniya.

Hay’adda Fayadhowrka Caafimaadka iyo Degaanka Tansaaniya oo loo soo gaabiyo (THESA) ayaa bilaabaysa daraasad-cilmiyeed heer qaran ah si ay uga caawiso Guddiga Qaranka ee Agaasinka Degaanka sidii uu ganaax ugu soo rogi lahaa kuwa sharciga jabiya isla markaana u dhaqan-galin lahaa noocyo kale oo ciqaabo ah.

“Qiimaynta ayaa lagu sameeyay dhammaan warshadaha loo arkay in ay yihiin kuwa ugu hawo-wasakhaynta badan,” ayuu maamulka guud ee THESA David Rwegoshora ka sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay Talaadadii. “Waxa naloo igmaday in aan soo ogaanno oo aan diiwaan-galinno dhammaan warshadaha sida ugu badan u wasakheeya hawada ee guud ahaan dalka ka jira.”

Rwengoshora waxa uu sheegay in inta badan warshadaha ku yaal Tansaaniya ayan lahayn qorshe ku aaddan maaraynta degaanka (biia’ada) si ay u ilaaliso wasakhowga hawada.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 1)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada