Juunyo 13, 2012
Maxkamad ku taal Kenya ayaa Talaadadii (12-kii June) waxa ay soo saartay xukunkeedii ugu horreeyay ee xabsi daa’inka ahaa ee la xiriiray shaqaaqooyinkii daba socday doorashadii 2007 iyo 2008-dii, sidaana waxa qoray wargayska Daily Nation-ka Kenya.
Paul Kipkemboi Ruto, oo 24 jir ah ayaa waxa lagu helay in uu dilay Kamau Kimani Thiongo’o oo 67-jir ahaa oo ay daris ahaayeen. Shaqaaqooyinkii daba socday doorashada ayaa waxa ku dhintay in ka badan 1,100 qof waxaana ku barakacay dad gaaraya 600,000.
“Waa dambiile sida lagu xukumay sababtoo ah waxa u qayb ka ahaa koox loo dhisay in ay weeraraan dadka kale sababtoo ah farqiga qowmiyeed ee u dhexeeya, halkaas oo ay dhimasho ka dhacday,” ayay tiri Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Nakuru Roselyn Wendoh.
Xukunka lagu riday Ruto ayaa ku soo beegmay hadal uu Talaadadii soo saaray xeer ilaaliyaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada kaasoo uu ku sheegay in labada nin ee laga yaabo in ay galaan tartanka madaxweynanimada Kenya -- ee kala ah Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka Kenya Uhuru Kenyatta oo 50 jir ah iyo wasiirkii hore ee beeraha William Ruto oo 45 ah – ay maxkamadeeyntoodu dhacdo isku mar, si looga fogaado in ay soo baxaan kala-jeclaasho, sidaana waxa sheegtay AFP.
“Labada kiis waa in ay is barbar socdaan isku xilli,” sidaana waxa shir jaraa’id oo ka dhacay Heeg ka sheegay xeer-ilaaliye Luis Moreno-Ocamp, halkaas oo qareennada difaacu u yimaadeen fadhi biloow ah oo dhagaysi ahaa.
Kenyatta iyo Ruto waxa ay ka mid yihiin afar qof oo Kenyan ah oo lagu eedeeyay in ay soo abaabuleen shaqaaqooyinkii ka dambeeyay doorashooyinkii dhacay 2007-dii.
Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ayaa qorsheeynaysa in ay biloowdo dhagaysiga dacwooyinka bisha March ee soo socota, oo ah isla bisha uu dalku qorsheeynayo in uu qabto doorashada madaxweynenimo. Xaakimka guddoonka haya Kuniko Ozaki ayaa sheegay in maxkamaddu ay gooyn doonto taariikh mucayan ka hor inta ayan galin fasaxeeda 14-ka July.
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ballaariyo Howlg...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) waxa uu waraaqaha aq...
Ugu yaraan afar qof ayaa dhintay saddexna waa ay dhaawacantay Khamiistii (16-kii Maajo) markii xa...
Kenya iyo Tansaaniya ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) si wadajir ah soohdintooda uga fuliyay howlga...
Cartan Sheekhdoon oo ahaa xubin ka tirsan kooxda xukuumadda la jaalka ah ee Ahlu Sunna wal Jamaac...
Maleeyshiysaad looga shakisan yahay in ay ka yimaadeen Itoobiya ayaa Khamiitii (16-kii Maajo) wax...
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) waxa uu Wasiirkii ...
Tansaaniya iyo Canada ayaa wada saxiixday heshiis iskaashi oo loo asteeyay in kor loogu qaado isl...
Ciidamada Qaranka Soomaaliya ayaa dilay 13 dagaalyahaniinta al-Shabaab ah Talaadadii (14-kii Maaj...
Xilligii kama dambaysta ahaa ee loo qabtay dadka reer Mandheera in ay ku soo wareejiyaan hubka sh...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo